Ankara (Caasimada Online) – Soomaaliya iyo Turkiga ayaa maanta kala saxiixday heshiiska wareejinta maxaabiista xukuman iyo heshiiska kaalmada sharciga ee Isku kaashiga dacwadaha dembiyada
Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka XFS, Xasan Macallin iyo wasiirka cadaaladda Turkiga, Yılmaz TUNÇ ayaa magaalada Ankara ee dalkaTurkiga ku kala saxiixday heshiiskan.
Heshiiskan wareejinta maxaabiista xukuman iyo heshiiska kaalmada aharciga ee isku kaashiga dacwadaha dembiyada ayaa muhiim u ah xoojinta wada shaqaynta dhinaca sharciga.
Heshiiska wareejinta maxaabiista xukuman ayaa suurta-gelinaya in maxaabiista ku xukuman Soomaaliya ama Turkiga loo wareejiyo waddankooda hooyo si ay ugu dhamaystaan xabsigooda, unala sii joogaan qoysaskooda iyo deegaanka ay yaqaaniin.
Heshiiska kaalmada sharciga ee isku kaashiga dacwadaha dembiyada wuxuu dejinayaa nidaam iskaashi oo u dhexeeya labada dal si loogu wada shaqeeyo dacwadaha dembiyada, oo ay ku jiraan isweydaarsiga caddeymaha, fulinta codsiyada maxkamadeed iyo la-dagaallanka dembiyada caalamiga ah.
Heshiisyadani waxey ka tarjumayaan saaxiibtinimada waarta ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Turkiga iyo dadaalkooda wadajirka ah ee lagu horumarinayo nabadda, cadaaladda, iyo fahamka wadajirka ah ee heer caalami.
Soomaaliya iyo Turkiga ayaa leh xiriir saaxiibtinimo qoto dheer, wuxuuna heshiiskan qeyb ka noqonaya heshiisyada muhiimka ah ee gaareen labada dhinac.