Soomaaliya ma leedahay doorasho oo Nairobi ma ka weecin kartaa shirarka?

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa dhowaan warqad u qortay Qaramada Midoobay iyo hey’adaha iyo deeq bixiyaasha kale in aysan Nairobi ku qaban shirarka iyo tababarada quseeya Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Warqad ka soo baxday Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in siyaasiinta iyo shaqaalaha dowladda Soomaaliya ay ku aadkaatay gelista Kenya sidaas darteedna loogu baaqayo Qaramada Midoobay iyo hey’adaha kale in shirarka iyo siminaarada Soomaaliya ku saabsan ku qabtaan dalalka Itoobiya, Yugaanda iyo Ruwaanda.

Soomaaliya oo ah dal sabool ah oo sakabasho ku jiro islamarkaana ay bur bursan yihiin dhamaan ilahiisa dhaqaalaha ayaa dad badan waxay u arkaan in aysan laheyn doorasho iyo jiheyn lagu sameeyo Qaramada Midoobay.

Dad badan ayaa u arka in arintaan ay sababi karto in Soomaaliya ay ku wayso taageeradii ay heli jirtay hadii ay isku day’ado in ay Kenya ka weeciso barnaamijyada quseeya Soomaaliya sababtuna waxaana lagu sheegay in aysan Qaramada Midoobay iyo deeq bixiyaasha kalaba ay ribtaankooda tahay joogista Kenya islamarkaana ay ku qabaan dano kale oo badan.

Deeq bixiyaasha iyo hey’adaha Qaramada Midoobay waxay aragti qaldan ka qaataan in la jiheeyo ama la amro waxayna inta la xasuusto ay laaleen dalabyo badan oo uga yimid wadamo badan oo la biilo ama la caawiyo sida Soomaaliya oo kale.

Falanqeeyaasha arimaha siyaasadda Soomaaliya iyo diblomaasiyiinta Soomaalida ee la soo shaqeeyay Qaramada Midoobay waxay sheegeen in aysan Soomaaliya laheyn doorasho oo ay tahay kaliya in ay qaadato wixii loo keeno ama loo yeeriyo, sidii lagu soo waday ku dhawaad 20-kii sano ee la soo dhaafay.

Hadii ay Soomaaliya ku adkaysato in Kenya laga wareejiyo barnaamijyada quseeya Soomaaliya waxay noqon doontaa in aysan helin dhamaan shirarkii iyo tababaradii loo qaban jiray, iyagoo sabab uga dhigay in Soomaaliya aysan doorasho laheyn iyo Kenya ay dano kale oo waa-wayn ku qabaan hey’adaha la doonayo in laga wareejiyo Nairobi.

W/Q: Istar Cali Mataan
Toronto, Canada

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid