Xildhibaanada Somaliland oo cabsi ka muujiyey ka hadalka xiisadda Badhan

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas oo kamida xildhibaanada Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa xukuumada Muuse Biixi ku eedeyay inay iska indho tirayso xaaladaha ka taagan deegaanka Badhan, oo ay ka dhago adeygtay baaqyadii loo jeediyey.

Xildhibaan Bulqaas oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Sanaag, ayaa waxa kale oo uu xukuumada ku eedeyay inay sharcigii ku tumatay, isagoona xusay in ciidamada dowladu ay guryaha ugu daatan xildhibaano xasanaad leh oo ay xiraan.

Xildhibaanka ayaa waxa uu arrimahaasi kaga hadlay wareysi gaar ah oo uu siiyey telefishanka Saab, wuxuuna yiri “Wax badan ayaan ka hadlay xaaladaha Badhan ka taagan, oo xukuumadu ka dhago adayg-tay oo waliba waxba ka qaban wayday, runtiina maanta waan ku hambalyaynayaa xukuumadu horumarka ay ka gaadhay gobolka sanaag wax kale oo aan maanta yiraahdo majirto”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Mid kale hadli maayo waayo waa Ramadaane, lakiin waxa la yiri xildhibaanadii guryaha ayaa loogu daadanayaa oo sharcigiiba waa layska laabay oo dastuurkii iyo xasaanadii xildhibaanadu shaqayn mayaan, lakiin wax kale odhan maynee inta sharciga la soo celinayo waanu aamusnaaneyna”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com