Xukuumada Biixi oo Waddani ku eedeysay dibu dhaca doorashooyinka Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Muuse Biixi ayaa mar-kale xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ku eedeysay inuu diyaar u aheyn inay waqtigooga ku qabsooman doorashooyinka Somalilnd.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Faratoon, ayaa ka hadlay khilaafka xisbiyada ee doorashooyinka, isagoona sheegay in weli laga war sugayo xisbiga Waddani oo isagu si weyn uga hor-yimid heshiis ay galeen xisbiyada Kulmiya iyo Ucid.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyey in xisbiga Waddani uu ogolaado Doorashada, wuxuuna yiri

“Beesha Caalamku aad bay u doonaysaa inay Doorashadu inoo qabsoonto, Doorashada oo inoo dhacdana danteena ayaa ku jirta, Beesha Caalamka, gaar ahaana Wadamada inaga caawiya Doorashadu waa u diyaar inay Doorashadeena inoo qabtaan”.

“Xisbiyada Kulmiye iyo Ucid waa u diyaar Doorashada inay galaan, laakiin Xisbiga Waddani ayaa ilaa hadda aan diyaar u ahayn, oo jawaab laga sugayaa, markaas Xisbiga Waddani-na waxaanu ku rajo weyn nahay inay Doorashada ogolaadaan”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Doorashada oo sidii loogu tagalay inoo qabsoontana wax badan iyo faa’iido ayey inoo leedahay, waxayna keenaysaa in geedi socodkeena Dimuqraadiyadeeda ay sare u sii qaado, Doorashada oo inoo dhacdana cid kale ama Wadan kale dani uma ah ee inaga Somaliland ahaan ayey dani inoogu jirtaa”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com