Soomaaliya: Midowga Yurub oo $120 milyan ugu deeqay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Midowga Yurub ayaa lacag dhan 120 milyan oo Yuuro ugu deeqay howlgalka ATIMIS, ex AMISOM ee haatan ka socda gudaha Soomaaliya, waxaana lacagtan meel-mariyey xubnaha guddiga siyaasadda iyo ammaanka ee ururkaasi.

Qoraal kasoo baxay Midowga Yurub ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay kordhin doonaan taageerada dhaqaale ee howlgalka ATMIS, si loo dardargeliyo shaqada adage e hortaalla.

Sida uu Midowga Yurub sheegay lacagtaan ayaa waxaa lagu kordhiyey lacagta uu ururka siin jiray howlgalka oo dhaqaalaha ku baxa ay bixiyaann reer galbeedka iyo UN-ka.

Taageeradan ayaa waxa ay sidoo kale gacan ka geysan doontaa gunnooyinka askarta howlgalka ATMIS, si ay awood ugu yeeshaan howlgalku inuu si hufan u guto waajibkiisa.

Howlgalkan oo soo bilowday sanadkii 2007-dii ayaa socda ilaa iyo hadda, balse qorshaha ayaa wuxuu yahay in lasoo gabagabeeyo 2sano gudahooda, si ay amniga u la wareegaan ciidamada Soomaaliya oo haatan usii diyaar garoobaya sugidda amniga dalka oo dhan

Sidoo kale Midowga Yurub ayaa sheegay inuu ka qayb-qaadanayo gurmadka abaaraha ee Soomaaliya, wuxuuna soo diray gargaar bani’aadanimo oo isugu jiro cunto iyo daawooyin, si wax looga qabto xaaladda deg degga ah ee ka dhashay abaaraha ku dhuftay dalka.

Madaxa maareynta musiibooyinka Ururka Midowga Yurub, Janez Lenarcic oo ka hadleysay deeqdan ayaa shaaca ka qaaday in loogu tala-galay Soomaaliya 815,000 oo dollar oo lagu gaarsiinayo gargaarka bani’aadanimo deegaanada ay haatan ku dhibaateysan yihiin dadka.

Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaaladdii ugu adkeyd bani’aadanimada ee ka dhalatay abaarta ka jirta dalka, waxaana socda gurmad ay hormuud u tahay dowladda dhexe.