Soomaaliya oo ballan-qaad culus u sameysay Suudaan + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay safiirka Suudaan u jooga magaalada Muqdisho, Camaar Axmed Baabakar Cali.

Kulanka ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal, ayada oo guddoomiyaha uu safiirka u sameeyay ballan-qaad culus oo la xiriira xaaladda adag ee dalkaasi ka taagan.

Safiirka ayaa guddoomiyaha Golaha Shacabka uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee waddanka Suudaan, waxaana guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe u sheegay in shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda ay garab taagan yihiin walaalahooda Suudaan, si la mid ah sidii walaalaha Suudaan ay u garab taagnaayeen xiliyadii adkaa.

Suudaan ayaa weli ku jiro xaalad adag, waxaana dagaalka ka socda ku dhintay boqolaal rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen kuwa kale oo aad u badan.

Sidoo kale in ka badan 115,000 oo ka mid ah dadka Suudaa  wax ay u qaxeen dalalka deriska ah, sida ay sheegeen ururada caalamiga ah.

Dagaalka Suudaan oo salka ku haya awoodda dalka ayaa wuxuu u dhexeeyaa Taliyaha ciidamada Sudan, Jen Cabdulfataax Al-Burhan – oo ah madaxweynaha Suudaan iyo hogaamiyaha RSF Jen Maxamed Xamdan Dagalo, oo loo yaqaano Xamadi.