Soomaaliya oo cod muhiim ah ku wayneysa lacag ku 1.4 milyan oo dollar ah oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan waayi doonta xaquuqdeeda codeynta ee Qaramada Midoobay, kadib markii ay soo baxday in dalal ay ku jirto lagu leeyahay lacago ay bixiyaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa lagu leeyahay lacag dhan $1,443,640, taasi oo sababi karta inaysan cod ka dhiiban qaraarada iyo go’aanada la horgeeyo UN-ka, maadama ay ka gaabiyeen bixinta lacagtaas oo lagu kabo miisaaniyada howl-galka Qarmaada Midoobay.

Waxa kale oo iyaguna lacagaha ku waajibay dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay lagu leeyahay 9 dal oo African ah, kuwaasi oo ay kamid yihiin; Zimbabwe, South Sudan, Niger, Comoros, Libya, Sao Tome Principe iyo Jamhuuriyada bartamaha Afrika.

Arrintan ayaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay Qaramada Midoobay, kuwaasi oo ay ku xusnaayeen dalalka ay Soomaaliya kamid tahay, oo qarka u saaran inay meesha ka baxdo xuquuqdooda dhanka codeynta ee UN-ka.

Soomaaliya ayaa iyadu hore loogu lahaa deymo badan, inkasta oo ay hesho kaalmo dhaqaale oo xad dhaaf ah, mana jiro war ku saabsan arrintan oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Hoos ka aqriso dalalka kale iyo lacagaha lagu leeyahay:

  • Iran $16,251,298
  • Congo $90,844
  • Zimbabwe $81,770
  • South Sudan $22,804
  • Libya $705,391.
  • Niger $6,733
  • Comoros $871,632
  • Sao Tome and Principe $829,888
  • Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika $29,395