Soomaaliya oo dajisay qorshe hindise wayn oo mustaqbal siyaasadeed ah

Shirka qaranka Soomaaliya ayaa hadafyo waawayn oo mustaqbal u ah siyaasadda waddanka dajiyay, laakiinse xasiloonida iyo waddada loo qaadayo dimuuquraadiyadda ayaa ahaan doona kuwo aan sahlanayn, falanqeeyayaasha ayaa sidaas leh.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qabtay Shirka Hindisaha 2016″ shirkaas oo usbuucii hore lagu qabtay Hoteelka Jazeera ee Muqdisho oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 200 oo wafdi ah.

Wufuudda ayaa waxay ka hadleen shan cinwaan oo ah mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya: horumarinta dastuurka, dib u fiirinta, kormeerka iyo fulinta; qaababka federaalnimada; dawlad wanaagga iyo dib u qaabaynta; habka doorashooyinka iyo siyaasadaha xisbiyada; iyo wacyigalinta siyaasadeed, dhexgalka shacbiga, musaalaxada iyo caddaaladda.

Shirkan shanta maalmood socday oo soo gabagaboobay Jimcihii (September 6-deedii) ayaa ka hor dhacaya shirka Heshiiska Cusub ee Brussels ka dhacaya September 16-keeda.

Talo bixinta iyo ballan qaadyada Hindisaha 2016

Shrika ayaa soo gabagaboobaw iyada oo la codsaday in lagu sameeyo Guddiga Dib-u-habaynta Dastuurka iyo Fulinta muddo 60 maalmood ah, iyo samaynta Maxkamadda Dastuurka iyo in lagu sameeyo hay’ado kale oo muhiim u ah fulinta dastuurka muddo 90 maalmood gudahooda ah.

Si loo xaqiijiyo in dawladda federaalka ah ay shacabka u dhawdahay, ayaa shirku wuxuu ku baaqay in dawladdu ay ku samayso Guddiga Xuduudaha iyo Federaalnimada muddo 60 maalmood ah ayna qabato olole waxbarasho bulsho.

Si loo qaabeeyo doorashooyin xor ah oo ku salaysan mabda’a “hal qof, hal cod”, ayaa wufuuddu waxay soo jeediyeen in dawladdu ay ku magacawdo Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka muddo lix bilood gudaheed ah ayna ansaxiso sharciga xisbiyada muddo sanad gudihiis ah.

Shirka ayaa wuxuu soo jeediyay samaynta dhowr hay’adood iyo guddiyo muddo sanad gudihiis ah si loo dar dargaliyo dhaqanka ammaananimada, hufnaanta iyo isla xisaabtanka dawladda dhexdeeda ah.

Shirka ayaa xoojiyay muhiimada ay leedahay in wada hadal lala galo kooxaha mucaaradka, wadahadal miro dhalana lala galo maamul goboleedyada, wadahadalka lala sii wado gobolka Somaliland, la awood siiyo oday dhaqameedyada doorkooda ah nabad ilaalinta, la sharciyeeyo sinnaanta jinsiga iyo matalaada kooxaha laga tiro badan yahay ee hay’adaha dawladda.

Shrika ayaa sidoo kale ku baaqay ku samaynta Guddiga Xaqiiqada iyo Dib-u-heshiiisiinta iyo Guddiga Dhulka iyo Milkiilanimada muddo lix bilood ah.

Tallaabo aan sahlanayn oo ay qaadday dawladda federaalka

Maxamuud ayaa go’aansaday in uu hirgaliyo qodobada shirka ka soo baxay in kasta oo ay jiraan caqabado iyo dhibaatooyin dhinaca dhaqalaaha ah, afhayeenka madaxwaynaha Cabdiraxmaan Cusmaan Yariisoow ayaa sidaas yiri.

“Madaxwaynaha ayaa rumaysan in shacabka la siiyo fursad ay kaga qayb qaadan karaan habka go’aan qaadashada Soomaaliya,” ayuu yidhi.

Caasha Geelle Diiriye oo ahayd Wasiiradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Puntland ayaa afhayeen u ahayd wufuudda, in kasta oo aysan Puntland matalaynin, kuwaas oo qaaddacay shirka.

Waxay sheegtay in shirku ahaa bilaw cusub ayna tusayso tayada Soomaalida, waxyaabihii ka soo baxayna waxay xal u noqon karaan arrimaha dawladda.

“Waxa muhiimka ah wuxuu ahaa in tashi la sameeyo. Aad ayaan ugu farxsanahay waxaanan rumaysnahay in ay Soomaalida isku soo dhawayn doonto,” ayay tiri.

Diiriye ayaa sheegtay muhiimadda ay leedahay fulinta shirka waxa ka soo baxay, laakiinse waxay xikmadu ku jirtaa in aan qaabkeeda lagu deg degin.

“Fulintu waa in ay dhacdaa inta ay arrintan cusub tahay oo aan la iska daynin,” ayay tidhi. “Ammaanadu waa muhiim shacabkuna waa in ay arkaan in shaqada la qabanayo.”

Wakiilka Khaaska ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay, oo shirka ka hadlay September 2-deedii ayaa sheegay in Soomaaliya ay dastuurka dib u fiiriso kadibna ay afti qaaddo iyo doorashooyin dhaca 2016 ay tahay “arrin wayn oo la fuliyo”.

“Dawladda shaqo wayn ayaa hortaala caqabaduhuna ma yara,” ayuu yidhi. Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa loo xilsaaray in ay Soomaaliya ku gaadhsiiso dimuquraadiyad sax ah muddo sadex sano gudahood ah. Tani waa masuuliyad aad u wayn. Qaramada Midoobay wax awood ah oo ay kala hadhayaan ma jirto taageerada arrintan.”

“Aad ayay ii dhiiri galiyeen talooyinkii iyo wareegtooyinkii shirka ka soo baxay ee war murtiyeedkii lagu caddeeyay,” ayuu yidhi. “Xaqiijinta arrimahaas ayaa noqon kara tallaabooyin muhiim ah oo loo qaaday hannaan siyaasadeed oo dhamaystiran oo ay Soomaalidu wadato.”

Hal qof, hal cod?

Haddii uu maamulka hadda jira awoodi waayo in uu ku hirgaliyo qodobadii shirka ka soo baxay wakhtiga uu xilligiisu dhamaanayo ee 2016, waxay wiiqi doontaa kalsoonida tayada dawladda, sida uu qabo xildhibaanka Soomaaliyeed Maxamed Cumar Dalxa.

Wuxuu ku dhaleeceeyay dawladda in ay ka gaabisay in ay wax ka qabto qodobadii shirarkii hore ee dib u qaabanynta caddaaladda iyo siyaasadaha waxbarashada, laakiinse wuxuu sheegay in baarlamaanku ay maamulka kula xisaabtami doonaan fulinta qodabadii shirka ka soo baxay.

Cusmaan Jamaac Cali oo ahaa raiisul wasaare ku xigeenkii dawladii ku meel gaadhka ahayd ee Cabdiqaasim Salaam Xasan ayaa taxadar ka muujiyay in waxyaabihii shirka ka soo baxay lagu gaadhi karo wada shaqayn wayn oo shacabka ah.

“Waa muhiim in maamulka, dadwaynaha iyo baarlamaanku ay isugu yimaadaan sidii ay waxyaabihii la soo jeediay u fulin lahaayeen,” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in taageerada caalamiga ah ay iyaduna muhiim tahay.

Qodabadii shirka ka soo baxay ayaa ah tallaabo muhiim ah oo ay dawladdu waddanka ku xasilin karto ayna ku abuuri karto nidaam kala dambayn ah, ayuu yidhi Cabdi Caynte oo ah madaxa hay’addaMachadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadaha ee xarunteedu Muqdisho tahay. Si kastaba ha ahaatee, doorashooyin waddanka oo dhan ah oo ka dhaca 2016 ayaa kalsooni xad dhaaf ah, ayuu sheegay.

“Fulinta qodabadii shirka ka soo baxay ayaa runtii noqonaya aasaaska kalsoonida shacabka ee dawladda,” ayuu yidhi.

“Way fiican tahay in la beegsado 2016, laakiinse ma aha in hadaf waajib ah laga dhigo,” Caynte ayaa yidhi. “Dhisitaanka aasaaska hay’adaha qaranka ayaa ka muhiimsan in doorashooyin la qabto. Markii la qiimeeyo sida ay hadda wax u socdaan, uma muuqato in doorashooyin guud ay qabsoomi karaan 2016.”

Diiriye ayaa sheegtay in wufuuddu ay sidoo kale doonayaan qorshe baddal ah haddii doorashooyinka tooska ah aysan suura galin.

“Haddii aan doorashooyinka la qabanin 2016, waxaa muhiim ah in la raadiyo khiyaar kale oo la qaato oo baddal ka noqda qorshihii hal qof hal cod,” ayay tidhi.

 Isha: Sabahi Online