Soomaaliya oo dalab la xiriira difaaca u gudbisay Talyaaniga

Roma (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo kamid ah wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ee ku sugan magaalada Roma ayaa kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalka Talyaaniga.

Kulanka Jaamac iyo wasiirka difaaca Talyaaniga Guido Crosetto ayaa waxaa looga hadlay wadashaqeynta labada wasaaradood ee arrimaha difaaca iyo inay ka yeeshaan iskaashi.

Wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa dowladda Talyaaniga u gudbiyay dalal la xiriira difaaca dalka, maadaama ay dowladdiisu dagaal adag kula jirto kooxda Al-Shabaab.

War kooban oo laga soo saaray kulanka ayaa waxaa lagu sheegay in xilligan ay Soomaaliya u baahan tahay taageero dhanka difaaca ah oo ka hesho caalamka.

“Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa mahad-celin kaddib  dhiggiisa la wadaagaay muhiimada ay Soomaaliya  u leedahay taageerada Difaaca ee Saaaxibada Caalamka ee xiligan oo ay dolwadda iyo shacabka Soomaaliyeed ku jiraan dagaal xooggan oo ay isaga xoreynayaan Ururo Argagixiso ah oo dhibaato ku haya Soomaaliya iyo dalalka dariskaba” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Jaamac ayaa kamid ah wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay shirka Afrika iyo Tayaaniga ee ka dhacay magaalada caasimada ah ee Roma.

Xasan oo shalay khudbad ka jeediyey Madasha Talyaaniga iyo Afrika ayaa nuux-nuuxsaday mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya, isaga oo si gaar ah u xusay fursadaha maalgashi iyo khayraadka dihan ee ceegaaga dalkeenna oo wax tar u leh gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iskaashiga caalamka uu ku tiirsan yahay ixtiraamka sharciyadda iyo mabaadi’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka.

“Iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ma noqon karo mid shaqeeya haddii dal Afrikaan ah uu ku xadgudbo xuduudaha dal kale, waxaana tusaale u ah isku dayga fashilmay ee faro-gelinta Itoobiya ku sameysay Madaxbannaanida dalkeenna,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.