SOOMAALIYA oo fagaare caalami ah si xooggan uga hadashay xaaladda GAZA

Doha (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa xaaladda ka taagan Marinka Gaza uga hadashay shirweyne caalami ah oo ka socda magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse oo ku sugan dalka Qatar ayaa khudbad uu ka jeediyey Madasha DOHA, ayaa waxa uu ka sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay Falastiin.

Huruuse oo ka hadlay xaaladda Gaza ayaa waxa uu tilmaamay in lama huraan tahay in mudnaanta la siiyo daryeelka aadanaha ee arrimaha caalamiga ah, xilli Israel ay gumad ba’an ka geysatay Marinka Gaza.

Mudane Jaamac waxa uu carabka ku adkeeyay in dublamaasiyadda bini’aadantinimo ay fure u tahay kobcinta wada-hadalka iyo xaqiijinta bixinta gargaar wax ku ool ah iyada oo ay jiraan xasarado kala duwan oo caalami ah.

“Waxay noqonaysaa lama huraan ummaduhu in ay wanaaga dadka ka hor mariyaan wax kasta, hadday tahay dhibanayaasha iskahorimaadyada magaalooyinka, kuwa ay saameeyeen masiibooyinka dabiiciga ah, ama qaxootiga aan la tirin karin iyo dadka gudaha ku nool ee adduunka oo dhan,” ayuu yiri Wasiir Abshir Huruuse.

Horaantii bishii hore, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka Israel ee ka dhanka ah Gaza, shirka waddamada Islaamka oo ka dhacay Sacuudiga.

In Soomaaliya si walba oo ay dagaallo iyo dhibaatooyin u hayaan in aanay marnaba ka gorgortameyn garab istaaga reer Falastiin, ayuu sidoo kale sheegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxda caalamka ayaa baddi si weyn u cambaareeyay xasuuqa ka socda magaalada Gaza, laakiin Israel taas waxba kama beddelin, waxayna weli sii wada dhibaatada joogtada ah ee ay ka geysaneyso Gaza.

Duulaankaan lagu xasuuqayo dadka rayidka ah ayaa meel cidlo ah soo istaajiyay sheegashadii dalalka Reer Galbeedka ee ilaaalinta xuquuqda aadanaha.