Soomaaliya oo gudbisay jawaabta gal dacwadeed ee muranka la xiriira badda

Ergo ka socda dowladda Somaliya ayaa ku sugan gudaha Maxkamadda Calaamiga ee Garsoorka (ICJ) ee magaalada Hague, Eerga ka socda Dowladda Somaliya ayaa waxaa ay gudbiyeen jawaabta gal dacwadeedka muranka badda ee Somaliya iyo Kenya.

Ergadan waxaa hoggaaminaya Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, waxaana qeyb ka ah qareenno ay garwadeen ka tahay Dr. Muna Al Sharman iyo Danjiraha Somaliya ee Midowga Yurub Dr. Cali Said Faqi.

Waxaa sidoo kale Maxkamadda dhankooda gaaray Ergo ka socota dowladda Kenya, oo gudbiyay Gal dacwadeed, Maxkamadda ICJ ayaa go’aamisay sanadkii hore in ay qaadi doonto Muranka Badda ee ka dhaxeeya Somaliya iyo Kenya.

Dalka Kenya ayaa ku doodaya lahaanshiyaha dhul badeed lagu qiyaasay ilaa 100,000-KM oo ku dhaw berriga Somaaliya, halka Somaliyana ay isla dhulkaas sheeganeyso in ay biyaheeda ka mid yihiin.

Dhulkan la isku heysto ayaa la sheegay in ay ku jiraan Gaas iyo Saliid, dowladda Kenya ayaa dhulkaas heshiis kula gashay shirkado shisheeye in ay ka baaraan shidaal, ilaa 44 jeer ayaa Gaas iyo Saliid laga baaray goobtaas lagu murnasan yahay, shirkadaha baaritaanka ka sameeyay ee Kenya ay heshiiska la gashay waxaa ka mid ah Total, Eni iyo PanContinental.