Akhriso Xaqiiqada hadalka Abiy Axmed  ee Midowga Soomaaliya iyo Itoobiya  

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Waxaa si weyn loo qaadaa-dhigay hadal uu Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ka jeediyay Telefishanka Itoobiya markii uu ku laabtay dalkiisa kadib booqasho uu ku yimid magaalada Muqdisho oo ay heshiis is-afgarad ku gaareen isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Ra’isul wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed oo ka hadlayay safarkii uu ku tagay Muqdisho iyo heshiiskii uu la gaaray madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in mustaqbalka la mideynayo labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya.

Arrintan ayaa noqotay qodobka ugu weyn ee lagu hadal hayo baraha bulshada, waxayna dadku u qeybsameen koox difaaceysa madaxda dowladda iyo qolo ku doodeysa in adduunyadii gadoontay oo weerar ku ah madaxda dalka, laakiin haddii si weyn loo dhuuxo hadalka Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, waxaan soo qaadan karaa qeybtan laga tarjumay hadalkiisii:

“Ujeeddada ugu weyn ee wada hadallada ayaa waxay ahayd ilaa iyo goormaan taariikh ka sheekeyneynaa oo aan leennahay hebel hebel ayuu dilay oo aan sheekadaasi jiilal badan kaga hor istaageynaa iney hormar gaarin, oohinta soo naguma filno, korneel Mengistu iyo Siyaad Barre ayaa waxaa iyo waxaa sameeyey intaan ka sheekeyn lahayn oo aan labadan shacab oo walaalaha ah kala geyn lahayn, labada shacab tilaabba aan ku kulmineyno, aan isugu soo dhaweyneyno oo aan isdhexgal iyo midnima dhab ahba sidi aan isugu keeni lahayn waddo noocaasi soo ma abuuri karno ayaan guud ahaan ka wada hadalnay…

Waxaan ku heshiinnay wadahadalladi na dhexmaray waa arrimo rajo badan na geliyey, si ku meel gaar ah inaan iskaashi dhaqaale oo dhammeystiran aan yeelanno, mustaqbalkana annaga oo shacabka mideyneyno inaa hal dal oo dhammeystiran aan iisu beddelno. In dekad la kireeyo ama inaan annaguna bun halkaa ka dirno oo keli ah iyadoo aysan ahayn kheyraadka baahsan ee gobolka ka jiro iyo kheyraadka shacab ee ka jiraba in la iisu geeyo waxaa lagu abuuri karaa gobol dakado badan leh, kheyraad badan leh, shacab tira bandanna leh oo suuq weyn noqda”.

Abiy Ahmed wuu sii hadlay oo wuxuu sheegay in Itoobiya ay bad la’aan tahay, halka Soomaaliya ay bad ku wareegsan tahay, wuxuuna daba dhigay “Taas micnaheedu waa maxay? soomaaliya waa dal Juqraafi ahaan meel halbowle ah ku yaalla, laakiin biyaha badda intaa le’eg ee Soomaaliya ku wareegsan maalinti inaan hal Markab lagu arkin ayuu noqday, biyahaasi badda intaa le’eg oo aan maalinti hal Markab xitaa lagu arkeyn, biyahana ay ahayn kuwa la cabbo dhulki wax lagu beeran lahaana biyahaasi uu dalku ka haystaan, anaguna aan dhahno dekad la’aan ayaan nahay oo aan dhibtoonno marka mustaqbalka fog laga eego aad ayey noo dhibeysaa waxyeella ayayna nagu haysaa”.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo qaba feker ah in dalalka Bariga Afrika ay midoobaan dhqaale ahaan wuxuu soo qaatay usoo qaatay dalalka adduunka qaarkoodsida Imaaraatka iyo Maraykanka, wuxuuna ka yiri “waddamada geeska Africa ka jira haddii ay u suuragasho iney noqdaan hal dal oo mideysan sida Dubai, ama sida Mareykan amaba Yurub oo kale ay noqdaan, intaan ka baxno waxyaabaha yaryar oo aan kireyno inta aan ku noolaan leheyn waxaan heli karnaa faa’idooyin ballaaran ayaan heli karnaa, caalamkana waxaan ku yeelan karnaa awood aan ku gorgortanno taa ayaan ku wada hadalnay”

Marka la isku soo duubo hadalka dheer ee Ra’iisal wasaaraha Abiy Ahmed iyo fekerkiisa midnimada ma ah mid ku kooban Soomaaliya iyo Itoobiya sida dadka qaarkiis ay dhinac ula cararreen, laakiin waxaa muuqata inuu ka guda-weyn yahay oo uu aamisan yahay falsafad ah in gobolka Geeska Afrika oo dhan la mideyn karo, lana gaarsiin karo barwaaqo sooran.

Waxaan ugu danbeyn fekerkiisa ka arki kartaa ereyadan oo ka mid ahaa isla khudbadiisa: “Soomaliya, Kenya, Jabuuti iyo Eretiriyaba, waxaan noqoneynaa umad tiradoodu gaareyso kala badh iyo ka badan shacabka Mareykanka..”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com