Muxuu heshiiska Somalia iyo Itoobiya kaga duwan yahay kuwii Itoobiya ay la gashay Jabuuti iyo Kenya?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kala saxiixday heshiis ka kooban ilaa 16 qodob oo la filayo inay ka wada faa’ideystaan labada dal.

Heshiiska labada dal dhex maray ayaa dood badan ka dhaliyey baraha Bulshada ee isticmaasho Soomaalida, taasoo badankeeda ay kiciyeen siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya.

Sida laga war qabo Ra’isulwasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed ayaa wado olole uu ku doonayo inuu ganacsiyo dhanka badda kula galo dowladaha Africa, gaar ahaan kuwa darisk la ah Itoobiyda oo ay ugu horeeyaan Jabuuti, Kenya iyo Somalia.

Itoobiya oo saami dhaqaale ku yeelaneyso dekadda Dooraale ee Jabuuti

Ra’isulwasaaraha Itoobiya ayaa heshiis lasoo galay dowladda Jabuuti, wuxuuna heshiiskaas si cad u sheegayey in Itoobiya wax laga siiyo Dekado ku yaalo dalkaas

Heshiiskaan oo dhigaayo in dowladda Itoobiya saami ku yeelato dekadda Dooraale ee laga ceyriyay Imaaraadka Carabta in maalgashi ay ku sameeyaan shirkaddaha ganacsi ee dalka Itoobiya.

Booqashadii ra’iisul wasaaraha Itoobiya  Abiy Ahmed uu ku tagat dhawaan Jabuuti ayaa heshiisyadii uu saxiixay qeybta ugu weyn ay tahay, waxaana dhanka Jabuuti u saxiixay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Telefishinka Itoobiya oo laga baahiyay heshiiskaan ayaa waxaa la filayaa in sida ugu dhaqsaha badan u dhaqan galo si loo bilaabo maagashiga balaran ee Itoobiya balan qaaday.

Marka aad fiiriso heshiiskaas, ma waxa uu ka dhigan yahay in la isku darayo Jabuuti iyo Itoobiya? Ma madax banaanida Jabuuti ayaa gashay halis? Ma shacabka Jabuuti ayaa u arkay heshiiskaas mid Itoobiya kula wareegeyso badeeda? Jawaabta waa maya, ujeedka heshiiskaasna waa inay Jabuuti hesho maalgashi ballaaraan isla markaasna ay Itoobiya kaga faa’ideysato bad la’aanta heyso.

Itoobiya iyo Kenya Oo Galay Heshiisyo Ay Ku Jiraan In Adis Ababa Dekad Ka Dhisato Lamu

Ra’isul wasaaraha Itoobiya  Abiy Axmed Cali oo dhawaan tagay dalka Kenya ayaa heshiisyo la galay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Heshiisyada labada dhinac kala saxiixdeen waxaa ka mid ah waddo tareen  oo isku xeri-doonta Adis ilaa Nairobi iyo waddo kale oo isku xiri-doonta  Laamu ilaa Adis Ababa.

Arrimaha kale ee Abiy iyo Kenyatta ka heshiisyeen waxaa ka mid ah: Dhul Dekad  ah oo Itoobiya laga siiyo  Lamu si ay u dhistaan iyada oo duuliimaad gaar ah oo diyaaradda itoobiya Air ah loogu sameeyay Mombasa.

Arrimaha biyaha mar la soo qaaday waxaa ay ka wada hadleen sidii loo qeybsan lahaa biyaha webiga Omo, Lake Turkana  iyo webiga Daua.

Marka aad fiiriso heshiiskaas, ma waxa uu ka dhigan yahay in la isku darayo Kenya iyo Itoobiya? Ma madax banaanida Kenya ayaa gashay halis? Ma shacabka Kenya ayaa u arkay heshiiskaas mid Itoobiya kula wareegeyso badeeda iyo dhulkeeda? Jawaabta waa maya, ujeedka heshiiskaasna waa inay labada dowladood kala helaan faa’ido isdhaafsi iyo iskaashi dhanka dhaqaalaha ah.

Soomaaliya iyo Itoobiya (Itoobiya oo maalgashaneysa Afar Dekadood)

Kaddib safar qaatay saacado oo uu ku yimid magaalada Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxaa kulan albaabada u xirnaa ay wada qaateen Madaxweyne Farmaajo, waxaana ay ku heshiiyeen qodobo dhowr ah.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir u qabteen ayaa waxay ku sheegeen in labada dal uu dhex marayo iskaashi dhinacyo badan, oo qeyb ka ah ganacsiga, dhaqaalaha, is dhex galka bulshada labada dal iyo sameynta suuq ganacsi oo xor ah.

War murtiyeedka ka soo baxay waxaa lagu sheegay in la xoojiyo xiriirka labada dal iyo dhqan-gelinta heshiisyada horay u jiray, in la hormariyo dekadaha Soomaaliya si ay uga faa’ideystaan Itoobiya iyo dalalka kale, in la dhiso jidad Soomaaliya ku xira Itoobiya, Ganacsiga la fududeeyo, maalgeshi labada dhinac ah, isu socodka, in Itoobiya taageerto nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya iyo in mushkilada Afrika ay xaliyaan Afrikaanka dhexdooda.

Labada hoggaamiye, waxaa ay isku afgarteen in la hormariyo kaabayaasha dhaqaale sida horumarinta dekadaha iyo waddooyinka muhiimka ah ee isku xira labada dal, sidoo kale labada hoggaamiye waxaa isku waafaqeen in la maalgeshto adeegyada Lojistikada iyo la sameeyo adeegyo u gaar ah dekado u shaqeyn kara badweynta Hindiya iyo badda cas

Maxaa Heshiiska Somalia iyo Itoobiya ka duway heshiisyadaan?

Inkastoo ay jirto cadaawad soo jireen ah oo u dhaxeyso Somalia iyo Itoobiya, haddana adduunyada dhan hadda way ka gudubtay dagaal, wax kastana waxaa lagu xaliyaa heshiis iyo wada noolaansho, ma jiro wax dhib ah oo ku jiro inay heshiisyaan dowladaha Somalia iyo Itoobiya isla markaasna ay iska kaashadaan dhinac kasta amni, dhaqaale iyo siyaasad ahaanba.

Haddii Ay labada dowladood heshiiyaan kama dhigno ina la isku darayo Itoobiya iyo Somalia, sababtoo ah waa laba dal oo ka wada tirsan Qaramada Midoobay wuxuuna heshiiskaan la galeyno lamid yahay midda ay dowladaha Jabuuti iyo Kenya la galeyn.

Kaliya farqiga u dhaxeeyo heshiiska Somalia iyo Itoobiya iyo midda Itoobiya la gashay Kenya iyo Jabuuti waa Shacabka Soomaaliyeed oo aan weli iloobin cadaawada ka dhaxeyso labada dal iyo suuq geyn been abuur ah oo ay sameenayaan Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo dano siyaasadeed iyo kursi doon ah!.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com