30.9 C
Mogadishu
Saturday, May 23, 2026

Soomaaliya oo guul weyn ka gaartay cayaar ka mid ah is reeb-reebka World Cup

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jabuuti (Caasimada Online) – Xulka kubadda cagta Soomaaliya ayaa guul taariikhi ah ka gaaray cayaar ka mid ah kuwa wareegga koowaad ee loogu soo baxayo koobka kubadda cagta adduunka ee 2022.

Soomaaliya ayaa lugta koowaad ee wareegga koowaad ee cayaaraha is-reeb-reebka koobka adduunka ee 2022 waxay 1-0 uga badisay Zimbabwe. Cayaartaas ayaa waxay ka dhacday dalka Jabuuti oo matala guriga Soomaaliya.

Lugta Labaad ee cayaarta ayaa sideedda bishan oo ah maalinta axadda ka dhaceysa dalka Zimbabwe.

Soomaaliya ayaa lugta labaad ee cayaartan u baahan inaan laga adkaan ama ay goolal dhaliso balse aan looga adkaan farqi aan ka badneynd hal gool, si ay ugu gudubto wareegga labaad.

Guushan ayaa ah mid ka mid ah guulihii ugu weynaa ee Soomaaliya ay gaarto tan iyo xiligii burburka dowladda dhexe.

Zimbwe ayaa waxay Soomaaliya ka sareysa 90 darajo, marka ay noqoto qiimeynta kala horeynta xulalka ugu wanaagsan caalamka ee FIFA. Soomaaliya waxay ku jirtaa kaalinta 202, halka Zimbabwe ay ku jirto 112.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News