Midowga Afrika oo go’aan niyad jab ku ah KENYA ka qaatay kiiska ICJ ee badda

Adis Aba (Caasimadda Online) –  Midowga Africa ayaa go’aan niyadda ka jabiyey Dowladda Kenya ka qaatay Kiiska Dacwadda Badda ee kala dhaxeeyo Soomaaliya.

Midowga Africa oo Maanta Magaalada Adis Ababa ku yeeshay kulankoodii labaad ee Golaha nabadda iyo Amniga loogana hadlayey muranka u Dhaxeeyo Soomaaliya iyo Kenya ayaa kusoo dhamaaday guul usoo hoyatay Soomaaliya.

Golaha ayaa isku raacay in Kiiska Badda ee Soomaaliya iyo Kenya loo dhaafo Maxkamadda ICJ oo hadda kiiskaas u ballansan 9-ka Bishaan September.

Waxay isku raaceen inaysan macquul aheyn in Kiiskaan lasoo wareejiyo maadaama aysan laheyn awood ay ku farageliyaan dacwad ka furan Maxkamadda ICJ.

Go’aankaan ayaa meesha ka saaray damacii Dowladda Keny ee ahaa inuu Midowga Africa Kiiskaan soo farageliyo si wadahadal loogu dhameeyo.

Maalintii Talaadada ayey aheyd markii Midowga Africa uu dhageystay aragtiyada laba dal, waxayna Soomaaliya midowga Africa ugu baaqday in dacwadaan loo dhaafo Maxkamadda IC maadaama uu kiiska hadda marayo meel dhamaad ah.

Dowladda Kenya ayaa cabsi weyn ka qabto go’aanka kasoo bixi doono Maxkamadda ICJ, waxayna durba muujisay inaysan heysan caddeymo ku aadan dooda ay gelisay Badda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com