Soomaaliya oo laga fulinayo mashruuc ay ka faa’iideysan doonaan 2.5 milyan qof

Muqdisho (Caasimada Online) – Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub, Denmark iyo Qaramada Midoobay ayaa gudaha Soomaaliya ka fulinaya mashruuc ay ka faa’iideysanayaan 2.5 milyan qof.

Mashruucan oo lagu dhisayo biyo xireen aad u ballaaran ayaa waxaa shir lagu dardar-gelinayo guddoomiyey madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe).

Sidoo kale waxaa ka qeyb-galay wasaarradaha beeraha iyo waraabka, tamarta iyo kheyraadka biyaha heer federal iyo kuwa HirShabelle.

Waxaa kale oo goobjoog ka ahaa deeq-bixiyayaasha mashruuca dib-u-dhiska biyo xireenka Sabbuuni (JOSP) oo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Mareykanka, Midowga Yurub, Denmark iyo lix hay’addood oo kamid ah QM oo ay hoggaamineysay FAO.

Biyo xireenka waxa uu kaalin mug leh ka qaadan doonaa ka hortagga fatahaaddaha, keydinta biyaha si loo isticmaalo marka ay jirto biyo la’aan, yareynta faqriga, kordhinta wax soo saarka iyo u adkeysiga isbeddelka cimilada.

“Dowladda HirShabelle waxa ay diyaar u tahay wax walba oo sahlaayo in la hirgeliyo dhismaha biyo xireenka Sabbuuni, hirgelintiisa faa’ido weyn ayay u tahay dadka HirShabelle,” ayuu madaxweyne Cali Guudlaawe ka sheegay shirka.

Madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle ayaa ugu dambeyntiina ka mahad-celiyay dadaalka waqtigan lagu bixinayo mashruuca JOSP.