Wararkii ugu dambeeyay QARAX maanta ka dhacay Beledweyne + Khasaaraha

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo xalay lagu qaaday goob ay dad badan ku sugnaayeen oo ku taalla agagaarka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Shir-ganeeco oo hoostagta magaalada Beledweyne, waxaana lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen dad shacab ah, gaar ahaan meel ay dhalinyaro ku caweyneysay.

Guddoomiyaha deegaanka qaraxa lagu wareeray oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in qaraxa lala beegsaday dhalinyaro, ayna ku noqdeen dhimasho iyo dhaawac.

“Jug xoogan ayaan maqalnay xalay annaga oo xaafadaha ku jirno bam-gacmeed waayay laba wiil oo yar yar ah oo 18 jiro ah oo xaafadda ahaay oo meel iska fadhiyay ayaa lagu tuuray, midna waa dhaawacmay, midna meesha ayuu ku naf baxay” ayuu yiri guddoomiyaha.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in bartilmaameedka uu ahaa meel ay ku caaweeyaan dhalinyarada, waxaana baxsaday kooxihii ka dambeeyay falkaasi.

“Meesha la qarxiyay waxay ka tirsan tahay xaafadda, waana meel ay isugu timaado dhalinyarada oo lagu caweeyo” ayuu sii raaciyay.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in aysan caddeyn karin cidda ka dambeysay weerarkaasi iyo sababta loo beegsaday dhalinyarada la qarxiyay.

“Bamkan ciddaas ayaa soo tuurtay annaga ma dhihi karno, mana caddeyn karno, mana ku dinbaabi karno” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha deegaanka ay dhibaatadu ka dhacday.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobta howlgallo baaritaano ka wada ciidamada dowladda oo ku raad jooga shaqsiyaadkii ka dambeeyay weerarkaasi.