Haweney Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Hibaaq Cusmaan oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda haweenka ayaa qoraalay ku daabacday barta Huffingtonpost ee Dalka Maraykanka kana mid ah kuwo ugu afka dheer aduunka kaga hadashay arrinta muranka badan ka taagan yahay ee dowladda Soomaliya kula heshiisay Sacuudiga in shaqaale Soomaaliyeed loo diro dalkaasi oo ay ka mid yihiin Gabdho Soomaaliyeed.
Maqaalkan waxay Hibaaq ugu Magac Dartay “Soomaaliya oo Sharafteedii ka iibsatay Sacuudiga” Waxayna si aada uga hadashay xaalada haweenka shaqaalaha guryaha loogu geeyo dalka Sacuudiga iyo dhibaatooyinka ay maraan oo marag caddaan ah u sameysay. Waxayna faahfaahisay arrimaha haddiiba haween Soomaali ah loo diro dalkaas oo kamid ah kuwo ugu liita xaga xuquuqda Bani’aadka, waxay caddeyn ahaan u soo qaadatay bah-dilka ay ku sameeyeen Gabdho kasoo jeeday Wadamo Sabool ah.
Dowladaha saboolka ah ayaa diiday inay hablohooda u diraan Sacuudiga kadib markii ay kala kulmeen dhibaatooyin waaweyn, waxaana ugu danbaysay dowlada Uganda oo gebi ahaanba ka mamnuucday gabdhaha Dalkaas inay u shaqo tagaan Dalka Sacuudiga.
Hibaaq Cismaan waxay kaloo qoraalkeeda ku gunaanaday inay ceeb weyn ku tahay dowlada Soomaaliya oo weligood laga cafin doonin haddi ay gabdho Soomaali ah shaqo ugu diraan Sacuudiga.
Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay inay Sacuudiga u dirayso 5000 oo shaqaale ah oo isugu jira rag iyo haween, kaasoo ahaa heshiis ay wada galeen dowladaha Sacuudiga iyo Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowaan difaacay arrintan.
Halkan ka aqri qoraalka oo English ah.

