27.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Odowaa oo cadeystay qaska uu ka wado Jowhar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa), ayaa si adag uga hadlay fashilada is xigxiga ee ku imaanaya shirka maamulka loogu dhisaayo Hiiraan iyo Sh/Dhexe, kaasi oo iminka ka socda magaalada Jowhar.

Wasiir Odawaa ayaa sheegay in wakhtiyadii ugu danbeeyay ay soo kordhayeen khilaafyada u dhexeeya Ergooyinka ka qeybgalaaya shirka Jowhar, waxa uuna tilmaamay in go’aanka Wasaarada uu yahay in wax waliba ay kusii socdaan qaabka uu shirka ku furmay.

Odawaa waxa uu tilmaamay in lama huraan ay tahay in Ergooyinka ay u hogaansamaan qorshaha u degan shirka, haddii ay muujiyaan caga jiid ay u furan tahay inay ku laabtaan deegaanadooda.

Waxa uu sheegay in Wasaaradu aysan awood u laheyn in qoys waliba ay si gaar ah u qanciso, hayeeshee taasi horay loo waa.

Odawaa waxa uu ku caga jugleeyay in haba yaraatee uusan nusqaan ku imaan doonin qaabka uu iminka ku socdo shirka, waxa uuna carab dhabay in qancinta qoysas gaar ah ay uga fadli fiican tahay in shirka uu hakat galo.

Waxa uu sheegay in cabashooyinka Ergada ay noqotay mid joogta ah, islamarkaana aysan ka jawaabi karin sababo la xiriira qorshooyinka u degsan shirka.

Docda kale, waxaa qabyo ah kuraasta shirka Jowhar, waxaana hadalka Odawaa aawgii shirka uga baxay Ergooyin badan iyadoo ay xusid mudan tahay in asbuucyo ka hor ay sidoo kale, shirka uga baxeen Beelo dhowr ah oo kasoo jeeda Gobolka Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News