25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Xogta laba heshiis oo DF Soomaaliya ay ansixisay iyo dalalka lala soo galay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyey laba heshiis oo muhiim ah, kuwaas oo lala soo galay dowladaha Masar iyo Turkiga.

Heshiiska is-afgarad ee koowaad ayaa u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Masar, wuxuuna ku saabsan yahay iskaashiga arrimaha caddaaladda iyo siyaasadda qaran ee socdaalka shaqada.

Heshiiska labaad ayaa ah is-afgarad dhexmaray Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Turkiga iyo wasaaradaha u xilsaaran gaadiidka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalalka xeebaha leh ee Afrika.

Heshiiskan ayaa diiradda saaraya xoojinta iskaashiga xiriirka gaadiidka, waxaana Soomaaliya u saxiixday Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Heshiisyadan oo lagu ansixiyey shirkii Golaha Wasiirrada ee shalay qabsoomay, ayaa waxaa guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre. Sidoo kale, shirka waxaa lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samatabixinta.

Golaha ayaa bogaadiyey wada-hadalladan iyo shirarkii hore ee lala yeeshay siyaasiyiinta iyo ururrada diiwaangashan, kuwaas oo looga tashanayey arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa dhageystay warbixinno la xiriira amniga iyo munaasabadihii dabaaldegga maalmaha xorriyadda, kuwaas oo ay soo jeediyeen Wasaaradaha Amniga, Gaashaandhigga iyo Guddigii u xilsaarnaa diyaarinta todobaadka xorriyadda, taas oo si weyn looga maamuusay dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News