Spain oo maanta xabsiga dhigtay tababare Soomaaliyeed kadib…

Madrid (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka dowlada Spain ayaa xabsiga dhigay tababare Soomaaliyeed iyo ciyaaryahano kale oo la sheegay iney deganaayeen hotel ku yaala dalka Spain.

Tababare Jaamac Aadan Karaaciin oo kamid ah tababarayaasha ciyaaraha fudud ee dalka Soomaaliya oo ay la socdeen tababarayaal kale oo u dhashay Maroco ayaa lagu xiray dalka Spain.

Jaamac Karaaciin ayaa lala xiray nin kale oo tababare Marooco ka soo jeeda, waxaana xarigoodu yimid kadib markii booliska ay xoog ku galeen hotelka ay daganaayeen iyaga iyo ciyaartoy kale.

Wararka ayaa sheegay in weerarka hotelka ay ku sugnaayeen ka dambeysay kadib markii , halkaasi laga helay nooc ka mid ah daroogada mamnuuca ah ee kordhisa awoodda jirka ciyaartoyda.

Dowladda Spain weli kama aysan hadlin sababta rasmiga ah ee loo xiray Jamac Aadan oo ahaa tababare Soomaaliyeed.

Xiriirka ciyaaraha fudud ee adduunka ayaa sheegay inay darooggadan ka baareen 28 qof oo ka mid ahaa 30 ciyaarahan oo hotelkaasi daganaa.

Caasimada Online
Xafiiska Europe
Caasimada@live.com