Xog: Musharaxnimada Faroole oo taageero looga raadiyey 3 dal

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno dhanka xubno ka tirsan maamulka Puntland ayaa sheegaya in mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ay taageero u raadinayaan Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole.

Xogta aan xubnahaasi ka heleyno ayaa sheegeysa in taageerada Faroole loo raadinayo diiradda lagu saaray saddex Dowladooda oo kala ah Ethiopia, Imaaraadka iyo Kenya oo la sheegay inay ballanqaad u sameeyeen Faroole oo kamid ah Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Qaran ee Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in Dowladaha Ethiopia iyo Imaaraadka ay ballan qaadeen in Faroole ay ilaa xad gaarsiin doonaan helida codad raja galin kara inuu kasoo dhexmuuqdo musharaxiinta kale.

Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in labadaasi Dowladood ee ku loolamaya Siyaasada Somalia ay ballan qaadeen in Madaxweyne uu Somalia ka noqdo Musharax kasoo jeeda deegaanada Puntland, balse lama sheegin cida ay sida gaarka ah u carbinayaan marka laga soo tago Faroole.

Puntland ayaa si gaar ah uga soo horjeeda Madaxweyne Xassan Sheekh inuusan dib usoo laaban.

Dhinaca kale waxaa jira Musharaxiin kale oo taageero weydiistay Dowladaha Ethiopia, Imaaraadka iyo Kenya, inkastoo aan iminka la saadaalin karin shaqsiga ay daacada u yihiin Dowladahaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com