Xog: Xasan iyo Shariif Xasan oo isku haya arrin xasaasi ah oo…

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa waxaa la sheegayaa inuu soo kala dhex galay khilaaf salka ku haya xulista xildhibaanada.

Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa doonaya inuu soo xulo dhamaan xubnaha baarlamaanka u matalaya deegaanada Koofur Galbeed kuwaasi oo ah xildhibaanada ugu badan ee ka mid noqonaya baarlamaanka sanadkaan.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka dalbaday Shariif Xasan in xubnaha baarlamaanka e koofur Galbeed uu dhinaciisa kasoo xulaa afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Mr Jawaari.

Shariif Xasan ayaana la sheegay inuu arintaasi kasoo horjeestay ayna keentay khilaafka cusub ee ka dhex taagan Xasan Sheikh Maxamuud iyo Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Khilaafkan cusub ayaa ah mid taagan labadaan todobaad oo kaliya, waxaana la ogeyn sida xalka uu ku dhamaan doono.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
Caasimada@live.com