Xog: CC oo ka horyimid guddiga uu Xasan Sheikh ku dhawaaqay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa xafiiskiisa xogo laga helayo waxay sheegayaan inuu dhaliilsan yahay gudiga doorashooyinka ee dhawaan uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya.

Ilo xog ogaal ah oolgu kalsoon yahay ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Cumar C.rashiid Cali uusan la dhacsaneyn gudiga uu digerrtada kusoo saaray madaxweynaha Soomaaliya oo ay ku jiraan shan kamid ah wasiirada xukuumada Cumar C/rashiid.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, ururada rayidka, haweenka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa sidaasi si lamid ah kasoo horjeestay gudiga doorashooyinka sanadkaan ooloo arko iney yihiin saaxiibada koowaad ee Xasan Sheikh Maxamuud.

Qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada ayaa dhankooda dhaliilsan gudiga, walow ay xubno matalaya ay ku jireen,laakiin wararka laga helayo xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa sheegaya in Cumar C/rashiid uu si weyn kaga soo horjeedo gudigan.

Xafiiska madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ka socdo kulamo isdaba  joog ah oo la doonayo in arintan cusub xallooga gaaro.

Siyaasiyiin badan oo ay kamid yihiin xubnaha xisbiyada dalka ayaa dhankooda si cad gudigan kaga horyimid.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com