Xog; Odayaasha Hawiye oo kala dalaalaya musharaxiinta Hawiye

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Odayaasha Beelaha Haweye ay isku uruurinayaan Musharaxiinta Beelaha Hawiye uga qeybqaadanaaya Doorashada la filaayo inay dhacdo 2016-ka.

Odayaasha ayaa magaalada Muqdisho kulamo gaar gaar ah kula qaadanaaya mas’uuliyiinta ka qeybqaadaneysa doorashada kuwooda ka jooga magaalada.

Odayaasha ayaa sidoo kale la sheegayaa in ballamo is diidan ay u sameynayaan Musharaxiinta, waxaana jira xogo muujinaaya in badankooda ay garab boodayaan Xassan Sheekh.

Odayaal uu kamid yahay Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, ayaa Madaxweyne Xassan Sheekh heshiis kula galay in uu ka xoojin doono dhanka Xildhibaanada Beeshiisa kaga imaan doona Baarlamaanka cusub.

Sidoo kale, waxaa Heshiis ceynkaasi ah Xassan Sheekh la gaaray Imaam Maxamud Yuusuf iyo Axmed Diiriye, sida ay xogtu sheegeyso, waxa ayna sidoo kale ku heshiiyeen inay lumiyaan Musharaxiinta kale ee kasoo jeeda Beelaha Hawiye si Xassan uu mar kale usoo laabto.

Musharax Xassan Sheekh ayaa dhankiisa xooga ka saaraya baadi-goobka dhinac waliba oo uu is leeyahay waxaad ka heli kartaa taageeto.

Guud ahaan Musharaxiinta Beelaha Hawiye ee doorashada 2016-ka ayaa iminka ku jira jahwareer ay ku kala saari la’ yihiin Nabadoonka iyaga taageersan iyo kan dibindaabada u dhigaaya.

Lama oga sida Odayaasha beelaha Hawiye ku raali galin doonaan Musharaxiintooda u taagan xilka Madaxtinimo ee Qaranka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimad@live.com