XOG: EU-da oo ku dhagan wasiir C/Salaan Hadliye kadib markii..

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno dhanka ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia, ayaa sheegaya in Wakiilka Eu-da ee Somalia uu dacwad kusoo oogay Wasiirka arrimaha dibadda xukuumada Somalia C/salaan Hadliye.

Dacwadaani ayaa la sheegayaa inay la xiriirto dhaqaale Midowga Europe uu ugu deeqay Somalia, taasi oo aan la gaarsiin halkii mudankeedu ahaa.

Dhaqaalahaani ayaa la tilmaamay in Wasiir Hadliye uu jeebkiisa ku shubtay, waxaana arrinkaani dacwad ka keenay Danjiraha Midowga Europe ee dalka Somalia, ahna Ergaygooda Gaarka ee Arrimaha Somalia, Michele Cervone d’Urso.

Mr Michele Cervone d’Urso, ayaa dacwadaani la wadaagaya wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Somalia Keating.

Dacwadaani ayaa sidoo kale nuqulkeeda horyaal Xafiiska Madaxweynaha dalka iyo Ra’isul wasaaraha, iyadoo DFS looga fadhiyo jawaab ku aadan halka uu Wasiir Hadliye mariyay hantidaasi.

Si rasmi ah looma sheegin cadadka dhaqaalaha uu isdaba-mariyay Wasiir Hadliye, balse waxa ay xogtu tibaaxeysaa dhaqaalahaasi loogu tallo galay in kor loogu qaado bilicda magaalada Muqdisho.

Ma cadda sida ay DFS uga jawaab bixin doonto kiiska musuqa ah ee lagu helay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com