Baydhaba: Xiliga shirka madasha uu furmayo oo la shaaciyay

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa shaaciyay waqtiga sida rasmiga ah loofurayo shirka madaxda madasha wadatashiga qaran ee ka furmaya magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa shaaciyay in maalinta beri ah sida qorhaha uu yahay uu ka furmaa shirkaasi magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, iyagoo ay ka qeyb galayaan xubnaha ugu sareyso madaxda dowlada Soomaaliya.

Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa ku sugan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, wuxuuna maalmahaan magaaladaasi kula kulmayay madaxweynaha maamulka koofur Galbeed.

Madaxweyne C/Welli Gaas ayaa markiisii ugu horeysay tagaya magaalada baydhabo ee gobolka Baay si uu kaga qeyb galo shirka ka furmaya magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Amaanka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana ciidamada booliska iyo kuwa AMISOM lagu daadiyay xaafadaha magaalada baydhabo ee gobolka Baay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com