Xog: Axmed Madobe oo heshiis la galay dowlada Kenya si Kismayo..

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Jubbland Axmed Madoobe uu heshiis la galay Dowlada Kenya, gaar ahaan Wasaarada Gaashandhiga dalkaasi.

Heshiiska ayaa la sheegayaa inuu yahay mid salka ku hayo ciidamo hor leh oo ka socda Kenya in loo soo daabulo magaalada Kismaayo gaar ahaan Jazeerada kudhaa.

Heshiiska labada dhinac ayaa dhigaaya in Dowlada Kenya ay Kismaayo kasoo dajiso ciidamo gaaraya 150 kuwaasi oo kaabi doona kuwa Kenya ka jooga Kismaayo iyo deegaanada kale ee hoostaga.

Heshiiska ayaa waxaa dhanka Jubbaland u saxiixay Madxaweynaha maamulka, halka Kenyana uu u saxiixay Wasiirka Gaashandhiga, sida ay xogtu tibaaxeyso.

Heshiiska labada dhinac ayaa dhigaaya in ciidamada cusub ay Kismaayo kusoo galaan si qarsoodi ah islamarkaana marba qeyb lasoo galsho.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa garab Siyaasadeed iyo mid dhaqaale ku heysta Dowlada Kenya,waana tan keentay in deegaanada uu ka arimiyo u gacan galsho Kenya.

Si rasmi ah looma oga ogaalka Taliska AMISOM ee ku aadan ciidamada sida sharci la’aanta ah loogu soo guraayo Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com