Xog: Gabre oo canaan kala dul-dhacay Xasan Sheekh iyo CCC

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in wakiil Siyaasadeedka Ethiopia u jooga Somalia Gen. Gebra uu kulamo xasaasi ah la kala qaatay Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh iyo Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid.

Kulanka ayaa la sheegayaa inuu ahaa mid salka ku hayay wakhti kororsiga iyo in la carqaladeeyo shirka 22 bishaani ka furmi doona magaalada Baydhabo kaasi oo u dhexeyn doona Madaxda madasha.

Gen. Gebra ayaa labada mas’uul dhagahooda ku dhibciyay inaan Dowlada Ethiopia u dulqaadan doonin wakhti kororsi, isaga oo sidoo kale kaga digay in laga meer-meero shirka ka furmi doono magaalada Baydhabo, waxa uuna u cadeeyay inaan jiri doonin marmarsiyo ku aadan dhanka amaanka.

Gebra ayaa labada mas’uul u cadeeyay in amniga goobta shirka iyaga lagala xisaabtami doono, waxa uuna taa bedelkeeda ugu baaqay inay joojiyaan ka gaabinta ay ka gaabinayaan qabsoomida shirkaasi.

Waxa uu sidoo kale, ugu baaqay inay dardar galiyaan dadaalada muujin lahaa in la joogo xiliga doorashada sida ololaha iyo u diyaar garowga dhismaha baarlamaanka cusub ee bedeli doona kan iminka shaqada wada.

Xassan Sheekh iyo Cumar C/rashiid ayaa iska fogeeyay inay u ololeynayaan wakhti kororsi iyo inay baajiyaan shirka ka furmi doona magaalada Baydhabo, waxa ayna soo dhaweeyen ballanqaadka dhanka amaanka goobta uu shirka ka furmi doono.

Si kastaba ha ahaatee, Caga jugleynta Gen. Gebra ayaa imaaneysa xili Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar lagu eedeeyay inay ka gaabinayaan shirka ka furmi doona magaalada Baydhabo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com