Xasan Sheekh oo socdaal qarsoodi ah ku tagay Israel

Tel Aviv (Caasimada Online) – Xog gaar ah oo caawa nasoo gaartay ayaa sheegeysa in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu socdaal qarsoodi ah maanta ku tagay magaalada Tel Aviv ee Israel.

Ilo-wareedyo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo codsaday inaan la magacaabin ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in madaxweynaha uu shalay gelinkii dambe si qarsoodi ah uga baxay Muqdisho, isaga oo tagay Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa saaka aroor hore ka dhoofay Jabuuti, wuxuuna tagay magaalada Tel Aviv, sida ay sheegeen xubnahan oo codsaday inaan la magacaabin, wuxuuna isla caawa dib ugu soo laabtay magaalada Jabuuti.

Caasimada Online ayaa lasoo gaarsiiyey warqad muujineysa caasuumadda dowladda Israel u fidisay Xasan Sheekh, hase yeeshee xasaasiyadda arrintan darteed ayana go’aansanay inaynaan soo bandhigin.

Socdaalka madaxweynaha ayaa la qariyey, ayada oo laga cabsi qabo in dalalka cararbta ee taageerada siiyey dowladda Soomaaliya gaar ahaan Sacuudiga iyo Imaaraadka ay ka carroodaan dowladda.

Socdaalka madaxweynaha ayaa waxaa ku wehliyey saddex qof oo kale oo kala ah:

1 – Caddow Cali Gees – Xildhibaan BFS

2 – Cabdiraxmaan Aada Cusmaan Kampala – Protocol

3 – Ibraahim Muuse Abuukar – La Taliye

Illaa iyo hadda lama oga sababta socdaalka madaxweynaha, hase yeeshee waxaa loo maleynayaa inuu xiriir la lahaa arrimo dhaqaale.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu berry ka qeyb galo shirka madasha oo ka furmaya magaalada Baydhaba.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com