Sawirro: SSC-Khaatumo oo yeelaneysa garoon casri ah

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa maanta dhagax-dhigay Gegagada diyaaradaha caasimadda Laascaanood.

Ugu horrayn wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo dib u dhiska Cabdiqaadir Cabdi Warsame Digaale ayaa ka warbixiyey xaaladaha uu soo maray iyo qorshaha uga dejisan ka wasaarad ahaan garoommada SSC-Khaatumo.

Dhismaha gegada diyaadadaha caasimadda ayaa kamid ah qorshaha isku-tashiga bulshada ee lagu horumarinayo deegaanka.

Garoonkan ayaa si casri ah loo dhisayaa, iyadoo dhismaheeda si rasmi ah loo guda-galayo dhagax dhiga, waana mashruuci u weynaa ee maamulka KMG ee SSC-Khaatumo uu fuliyo.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa si gaar ah ugu mahad-celiyey guddiga horumarinta caasimadda oo gacanta ku haya dhismaha gegadan.

Sidoo kale wuxuu hoggaamiyaha ku ammaanay guud shacabka reer SSC-Khaatumo sida ay markasta diyaarka ugu yihiin horumarinta deegaankooda, isaga oo xusay in ka xukuumad ahaan uu muhiimad gaar ah u leedahay horumarinta iyo casriyeynta kaabayaasha dhagaalaha.

Mashruucan isku-tashiga bulshada ayaa horay ugu guulaystay dhismaha xarumo dawladeed iyo kuwo dan guud ah oo badan.