Trump oo laba dalab oo culus hor-dhigay Sacuudi Carabiya

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Khamiistii sheegay inuu ka dalban doono Sacuudi Carabiya iyo OPEC inay hoos u dhigaan qiimaha shidaalka, isla markaana ku boorrin doono Riyadh inay kordhiso maalgashigeeda Mareykanka oo ay ka dhigto $1 tirilyan, taasi oo ka badan $600 bilyan oo markii hore la shaaciyey.

Hadalka Trump ayaa yimid maalin kadib markii uu la hadlay Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Amiir Maxamed bin Salmaan, iyagoo ka wada hadlay waxa Aqalka Cad uu ku tilmaamay “himilooyinka dhaqaale ee caalamiga ah” ee boqortooyada iyo arrimaha ganacsiga.

Khamiistii, wakaaladda wararka ee dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in boqortooyadu ay qorsheyneyso inay $600 bilyan ku maalgeliso horumarinta xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee Mareykanka afarta sano ee soo socota.

“Laakiin waxaan weydiisan doonaa Dhaxal-sugaha, oo ah nin cajiib ah, inuu kordhiyo oo uu gaarsiiyo ilaa $1 tirilyan,” ayuu Trump ka yiri Shirweynaha Dhaqaalaha Adduunka ee ka dhacaya Davos, Switzerland, oo uu qaba fogaan arag ah uga qeyb-galay. “Waxaan filayaa inay sidaas sameyn doonaan sababtoo ah waxaan ula dhaqannay si wanaagsan.”

Trump waxa kale oo uu ugu baaqay dalalka Khaliijka inay hoos u dhigaan qiimaha shidaalka, isagoo ku adkeeyey in tallaabadaasi ay ka caawin karto soo afjaridda dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

“Haddii qiimaha shidaalka uu hoos u dhaco, dagaalka Ruushka iyo Ukraine wuxuu dhammaanayaa isla markiiba. Hadda, qiimaha shidaalku wuu sarreeyaa, taasina waxay sii wadaysaa dagaalka – waa in qiimaha la dhimaa,” ayuu yiri Trump.

“Waxay ahayd inay arrintaas horay u sameeyaan. Dhab ahaantii, ilaa xad iyagaa mas’uul ka ah waxa dhacaya,” ayuu Trump ku daray.

Xafiiska isgaarsiinta ee dowladda Sacuudiga ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiga ku saabsan faallooyinka Trump ee madasha Shirweynaha Dhaqaalaha Adduunka.