SSC-Khaatumo oo sheegtay qorshe ay Somaliland ka leedahay ‘arrintii ay faafisay’

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaanka SSC-Khaatumo ayaa beeniyay in magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ay soo galeen dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida ay horay u sheegtay xukuumadda Somaliland.

Somaliland ayaa sheegtay inay xaqiijisay in ka badan 600 oo dagaal-yahan, oo uu hoggaaminayo Fu’aad Maxamed Qalaf (Shongole), oo kamid ah horjoogeyaasha Al-Shabaab ay soo galeen magaalada Laascaanood labadii maalin ee ugu dambeysay.

SSC-Khaatumo ayaa waxay arrinta ay sheegtay Somaliland ku tilmaamay “rafasho iyo beenihii ay Hargeysay waday sagaalkii billooda ee lasoo dhaafay iyo weliba af-lagaadadii joogtada aheyd ee ku haysay bulshada SSC, sida lagu yiri bayaanka kasoo baxay hoggaanka SSC-Khaatumo.

“Somaliland waa in ay bulshada u soo bandhigtaa sida 609 oo argagixiso ah Laascaanood ku yimaadeen, ma cirka ayay kasoo dageen?, badda miyey kasoo galeen?, ma Hargeysa ayaa laga soo diray mise iyaga oo tiknikadooda wata ayey kasoo kicitameen bartamaha Koonfurta Soomaaliya?.”

Sidoo kale waxaa lagu yiri bayaanka SSC-Khaatumo, “Hoggaanka maamulka Somaliland waxaa caado u noqotay sagaalkii bilood ee tagay in ay bulshada Soomaaliyeed iyo kuwa caalamka la horyimaadaan warbixino in lagu qoslo mudan, masuuliyaddana ka arradan, tii u dambeysayna kama duwana kuwii hore.”

SSC-Khaatumo ayaa sheegtay in arrintaan ay Somaliland ka leedahay weerarro ay ka fuliso deegaanadodda, taasi oo haddii ay dhacdo ay sheegeen inay uga jawaabi doonaan tallaabada ku haboon, wixii ka dhashana masuuliyadeeda ay qaadi doonto Somaliland.

“SSC-Khaatumo waxay u fahantay in Somaliland qoraalkii u dambeeyay ugu gogol xaareyso weerarro ay ka fuliso deegaanada SSC.”

Bayaanka kasoo baxay SSC-Khaatumo ayaa ugu dambeyntiina waxaa lagu sheegay inay si buuxda gacanta ugu hayso xuduudaheeda nabad-galyada iyo bad-qabka dadkeeda, ayna diyaar u tahay in ay kala shaqeyso hay’adaha amniga ee Soomaaliya, gobolka iyo kuwa caalamigaba ka hortaga halista argagixisada.

Si kastaba, bayaanka SSC-Khaatumo ayaa imanaya ka gadaal markii ay Somaliland ugu baaqday beesha caalamka, dalalka deriska ah iyo ururada gobolka ee ay khusayso inay gacan ka geystaan la-dagaalanka “argagixisada iyo xagjirnimada” Laascaanood.