Steven Gerrard oo saftay kulankiisii 600aad ee Liverpool.

Steven Gerrard ayaa saftay kulankiisii 600aad ee isagoo xiran maaliyada Liverpool xilli ay Reds gurigeeda Anfield barbaro kula gashay Newcastle, ciyaar dhacday axadii.

32 jirkaan ayaa noqonaya xidigii tobnaad ee gaara Rikoorkaan isagoo ka hor ciyaaraya The Kop, iyo gegeda Anfield Road. Wuxuu kooxda kulankiisii ugu horeyay u ciyaaray bishii November 1998dii markaasoo ay garoonkeeda guul uga  gaartay Blackburn.

Gerrard ayaa ku guuleystay labada koob ee qaarada Yurub laga dhigo Champions League iyo Uefa Cup intii uu ku jiray waayihiisa ciyaareed ee Liverpool, wuxuuna kooxda ku hugaamiyey laba FA Cup iyo sedax League Cup, isagoo mid ka mid ah u qaaday xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Laba ka mid ah bandhigyadiisii uu ku can baxay ee Final-da kooxda. Gerrard waxaa lagu amaanaa inuu sabab u ahaa guushii ay 2005tii Liverpool Champions League uga qaaday AC Milan, halka uu ciyaaryahanka qadka dhexe gool dhaliyey waxaana sidoo kale u diiwaan gashan guushii Reds ay FA Cup kaga qaaday West Ham isla sanadkaas.

Wayne Rooney ayaa ugu hambalyeey kabtanka Liverpool safashadiisa taariikhiga ah, iyadoo uu weeraryahanka Manchester United ku qoray akoonkiisa Twitter: “Hambalyo ku socota Stevie G kaasoo saftay kulankiisii 600aad. Halyeey weyn wax walba kooxdu waa ku taagereysaa.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

Email: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.