Su’aalo ka dhashay qaraxii lala beegsaday Macallimuu iyo beegsiga saaxiibada Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib qaraxii is-miidaaminta ahaa ee maanta lala beegsaday Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu, waxaa isa-soo taraya shakiga ay siyaasyiinta qaar ka muujinayaan qaraxaas.

Xildhibaan Mahad Salaad iyo Axmed Macalin Fiqi ayaa su’aalo ka keenay qaraxa lala bartilmaameedsaday Macalimuu ee uu dhaawaca kasoo gaaray, ayaga oo u rajeeyay in uu si deg deg ah uga soo kaco.

Mahad Salaad ayaa ugu horeyntii yiri: Saaxiibada Farmaajo cidina ma qarxiso ee kuwa Rooble maxaa loo beegsadaa mar walba. Soo uma muuqato mashruuc siyaasadeysan oo la maalgelinayo. Allaha caafiyo walaalkeen Mohamed Ibrahim Moalimuu Afhayeenka XFS.

Marka laga soo tago mashruuca siyaasadeysan ee uu ka dhawaajiyey Mahad Salaad, dhankiisa Fiqi ayaa asaguna sheegay inay arrintan u muuqato shirqool lagu beegsanayo rug cadaaga iyo mas’uuliyiinta warbaahinta qaarkood.

Sidoo kale waxa uu ku tilmaamay inay u egtahay mid abaabulan oo lagu cabsi-gelinayo ama lagu aamusinayo codka warbaahinta ka hortimid kalitalisnimada Farmaajo iyo barnaamijyadeeda, sida uu hadalka u dhigay.

“Allaha u yasiro saaxiibkeen Macalimuu oo weerar argagixiso saakay lagu beegsaday, caafimaad degdeg ayaan Alle uga baryaynaa.! Waxaan ku talinayaa in bahda warbaahinta iyo cid walbaba is ilaaliso intii tabar ah marxaladdaan kala guurka ah iyo inta amniga mas’uuliyadda dalka ay sheeganayaan kuwo aan ehel u ahayn ama mararka qaarkood u arkaya dadka ka aragtida duwan Farmaajo cadow!.”

Qaraxa lala beegsaday Macalimuu ee uu dhaawaca kasoo gaaray ayaa waxa uu sare u qaadaya shakiga ah in qaraxyada ay ka imaan oo keliya rabitaanka hal jiho (argagixisada), balse ay jiraan jihooyin kale.

Macallimuu oo horay ula soo shaqeeyey BBC-da ayaa ka bad-baaday ugu yaraan illaa afar qarax oo ay badi kasoo gaareen dhaawacyo xoogan, wuxuuna qaraxa markale lala beegsaday kusoo aadaya iyada oo Arbacadii weerar loo adeegsaday is-miidaamin uu ka dhacay wadada 21-ka October, kaasi oo ay mas’uuliyaddiisa ay sheegteen Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa ka horreeyey qarax kale oo is-miidaamin ah oo lagu dilay agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika, kaas oo dhacay 20-kii November ee sanadkii 2021-kii.

Si kastaba, waxaa magaalada Muqdisho ka taagan xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay is jiid-jiidka weli ka taagan hanaanka doorashooyinka oo ay isku hayaan madaxda dalka, taas oo loo sababeynayo amni darrada sii baaheysa ee haatan ka jirta gudaha caasimada Soomaaliya.