Su’aalo ka dhashay sida uu Abiy ula dhaqmay Farmaajo kadib caleemo-saarkiisa

Addis Ababa (Caasimada Online) – Su’aalo ayaa ka dhashay qaabkii uu ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed uu u sharfay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka qeyb-galay caleemo-saarkii Abiy ee Isniintii ka dhacay Addis Ababa.

Farmaajo ayaa Abiy ugu yeera ereyo ay ka mid yihiin “my brother, my friend ama walaalkey iyo saaxiibkey,” wuxuuna ka dhigtay saaxiibkiisa koowaad tan iyo markii uu Abiy xukunka yimid bishii April ee 2018.

Hase yeeshee, marka la isku eego sida uu u sharfay iyo mudnaanta Abiy uu siiyey madaxweyanaashii kale ee ka qeyb-gashay caleemo-saarkiisa, iyo sida uu ula macaamilay Farmaajo, ayaa dhaliyey su’aalo ku saabsan haddii jaceylka labada nin uu yahay mid hal dhinac oo kaliya ka socda.

Abiy Ahmed ayaa markii uu Farmaajo tegay Addis-Ababa, wuxuu u diray inuu soo dhoweeyo wasiirka maaliyadda Ethiopia Ahmed Shide, oo Soomaali ah.

Waxaa suurta-gal ah in Abiy xilligii madaxda ay imaneysay uu aad ugu mashquulsanaa munaasabadda caleemo-saarka, ama uu waqti u wada waayey madaxweynayaasha inuu mid mid usoo dhoweeyo, taasi oo loogu qiil dayi karo. 

Hase yeeshee, arrinta yaabka leh ayaa dhacday markii la sagootinayey madaxweynayaasha. Abiy Ahmed ayaa garoonka diyaaradaha ka sagootiyey dhammaan madaxweynayaashii ka qeyb-galay caleemo-saarka marka laga reebo Farmaajo kaliya, oo loo diray inuu sagootiyo wasiirka hal-abuurka iyo taknoolajiyadda Dr Abraham Belay, oo maanta loo magacaabay wasiirka difaaca.

Madaxweynayaasha ka qeyb-gala munaasabadda ayaa kala ah: Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari, Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Madaxweynaha Senegal Macky Sall, Madaxweynaha South Sudan Salva Kiir, iyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. 

Caasimada Online ayaa arrintan ka ogaatay qoraallada iyo sawirrada ay Facebook soo dhigay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ethiopia oo dhammaantood muujinaya in Abiy uu sagootiyey madaxweynayaashii kale marka laga reebo Farmaajo. 

Inkasta oo haddii Abiy uusan wada sagootin qaar ka mid ah madaxda kale, loogu qiil dayi lahaa inuu waqti u wada waayey, haddana xaqiiqda ah in Farmaajo uu yahay madaxweynaha kaliya ee uusan Abiy sagootin, waxay dhaliyeen su’aalo ku saabsan heerka qadarinta uu u hayo. 

Hoos ka eeg sawirrada sida loo sagootiyey Farmaajo iyo madaxda kale.