Xiisad ka taagan gobolka Gedo kadib markii ay ciidanka Macallimuu xoog ku galeen…

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Garbahaarey waxaa ka taagan xaalad ka dhalatay, kadib markii ciidan uu wato Gudoomiyihii hore ee Gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji (Macalimu) ay xoog ku galeen Xarunta Degmada, taas oo aad mooddo inay ku kala qayb samayn Saraakiisha Ciidamada qaarkood.

Macalimuu oo Isniintii shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Degmada ayaa sheegay inaanu Gobolka Gedo lahayn wax Gudoomiye ah, isagoona Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ugu baaqay inuu isaga usoo magacaabo Gudoomiyaha Gobolka, si shaqadii gobolka uu u dardargeliyo.

Axmed Buule Gareed, Gudoomiyaha Gobolka Gedo ayaa muddooyinkii ugu dambeysay deegaan ka sameystay Degmada Doolow, qaybta Itoobiya, waana taa midda keentay in Gudoomiyihii hore uu sheego inaanu gobolku lahayn Gudoomiye.

Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa sheegay inaanay waxba ku kala duwanayn Gudoomiyihii hore iyo kan maanta xilka ku magacaaban.

“Qoom haddii Ilaahay masiibo la damco, masuuliyiin xun xun baa la daba dhigaa, waa niman ah xamaaliyiintii dowladaha deriska laga soo bilaabo 1997-2020. Niman Addis Ababa iyo Nairobi laga soo carbistay bay nimankaasi ahaayeen. Niman caan ku ah xumaanta baa gobolka looga dhigay Gudoomiye, dadkuna waxay is weydiinayaan Macalimuu iyo Canjeer Buulle Gareed kee baa fiican,” ayuu yiri Korneyl Aadan Axmed Xirsi oo Warbaahinta gudaha la hadlay.

Aadan Rufle oo dhaliilay Gudoomiyaha Gobolka Gedo ayaa yiri “Saddex nin baa Calanka xorta ee buluugga ah inay qaataan idin u qabto oo guriga iyo gaarigaba ay ku xirato, waa Madaxweynaha, Danjire iyo Gudoomiye Gobol. Calankii Wakiilka Madaxweynaha ee Gobolka Gedo wuxuu u hoydaa Dolow Addow. Marka ma Gudoomiyihii Gobolkaa baxsaday oo dal kale isku dhiibay mise dalkayagii baa dal kale loogu daneeyaa? Dadka reer Gedo intaasaa weydiinayaa.”

Aadan Rufle oo sii dhaliilaya Gudoomiyaha Gobolka ayaa yiri “Saddex qodob buu ku sifoobay, lagu ababiyay, ku qaangaaray, shaqadiisana ay tahay, waana madiidin cadowga u adeeggo, musuq-maasuq iyo masuuliyad xumo. Militariga Itoobiya baa sanadkii 2000 ka dhigay Gudoomiyaha Degmada Luuq. 2000 illaa 2020 shan jeer buu noqday Gudoomiyaha Degmada Luuq, laba jeer buuna noqday Gudoomiyaha Gobolka Gedo oo markii labaad ay dowladda hadda Macalimuu ku bedeshay. Intaaba ababintiisu waxay ahayd canshuurta Degmooyinka Gobolka Gedo laga qaado iyo mucaawinada caalamka uu keeno ama ay dowladda ku deeqdo inuu u geeyo Saraakiil Sirdoon dal kale ah, habeenkiina lagula hoydo dal kale.”

Korneyl Rufle oo ka jawaabayay hadal uu Macalimuu ka sheegay shirkiisii jaraa’id ayaa yiri “Macalimuu wuxuu sheegay xoogaa mashaariic ah inay ku murmayn Axmed Madoobe iyo dadka reer Gedo, ee wax xumaana iyo wax dhibaato ah oo Axmed Madoobe iyo dadkaa u dhaxeeyay aanay jirin. Markaan dadka reer Gedo ama aan heyb kaga hadlo Jubbooyinka waxaa weeye marsadii Kismaayo iyo Kudhaa, meeraqyada Waamo halka cadowga muushka u degay iyo marinka Nairobi, marwo iyo wixii mudaneyaal meyd is garab yaalay oo magaca reer Sade ah oo cadowgu maansheeyay, mag iyo aar midaan uga gam’o ima soo marin. Dadkaas dadkii laga laayay, hooyooyinkii oo ilmada shubaayo iyo hablihii oo aseey leh baa Garbaharey jooggo.”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Waxaa ayaan-darro ah inuu wiil xamaali u ah cadowgu uu ka dhex yiraahdo Garbahaarey ereygaas, wax la qaadan karo maaha, mana aqbali doono.”

Rufle ayaa dadka reer Garbahaarey iyo Saraakiisha Ciidamada ugu baaqay inaanay la kala safan Macalimuu iyo Gudoomiye Gareed, haddii labaduba aanay ka shaqaynayn sida uu yiri danta dalka iyo dadka.