Su’aalo ka dhashay warqada shahaadada xildhibaan loogu raadinayo Fahad

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal la sheegay inuu soo saaray Guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka dooraashooyinka, Maxamed Cawil Warsame oo lagu fasaxay kuraas hore loo hakiyay oo uu ku jiray kursiga Fahad Yaasiin, ayaa waxaa ka muuqda qaladaad waaweyn oo horey looga baran guddiga.

Qoraalka kasoo baxay Guddoomiyaha Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa lagu shaaciyay in guddoomiyaha ay xubnaha kale ee guddiga la wadaageen warbixin uu ku qancay oo ku saabsan lixda kursi ee lagu doortay Beledweyne uuna fasaxay, islamarkaana aysan jirin wax cabasho ah oo laga soo gudbiyey kuraastaas.

Warqadaas ayaa waxaa si weyn ugu faafinaya baraha bulshada taageerayaasha madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday iyo Fahad Yaasiin, balse waxaa ka dhashay su’aalo badan oo yaab leh, oo ay ka mid yihiin:

1- Guddiga Xalinta Khilaafaadka go’aan kama gaari karo kuraas aanay cidna uga soo caban. Shaqada guddiga ayaa ah inuu xaliyo kuraasta ay isku haystaan ama ay cabashada kasoo gudbiyaan beelaha qaar, taasi oo aanay ku dabaqeyn kursiga Fahad. sidaas darteed, maxaa keenay warqaddan?

2- Go’aanka guddiga uu gaaray waxaa muuqata inuu yahay go’aan keligiis uu gaaray guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka, sababtoo ah warqadda meelna ugama qorna guddiga, waxaana jumlad kasta lagu billaabay “anigoo ah guddoomiyaha guddiga….,” taasi oo caddeyneysa in go’aankan uu ku gaar yahay guddoomiyaha. 

3- Warqadda waxaa ka muuqda in Fahad walaac ka qabo inuu heli waayo shahaadada xildhibaannimo, sababtoo ah waxaa qoraalka lagu amray in shahaado rasmi ah la siiyo xubnaha lixda ah ee lagu xusay, oo uu ku jiro Fahad Yaasiin, oo kursigiisa uu ku dhagan yahay guddiga doorashada heer federaal, taasi oo u muuqata meel-marin deg deg ah oo la-yaab leh.

4- Guddoomiyaha guddiga wuxuu si gaar ah usoo qaatay 6 kursi oo ku jiro kan Fahad, kuwaas oo ah kuraastii Beledweyne lagu doortay maalintii Fahad la doortay. Su’aasha ayaa ah; maxaa go’aan looga soo saaray shanta kursi ee kale, maadaama guddiga doorashada aanu ku dheganeyn, sidoo kalena aanay jirin cid ka cabatay. Tani waxay muujineysaa ujeedka warqadda loo soo saraay inay tahay kaliya Fahad dartiis, balse lagu dhiiran waayey in si gaar ah kursigiisa go’aan looga soo saaro.

Balse arrinta yaabka leh ayaa ah; in guddoomiyaha guddiga uu doonayo inuu shahaado u helo kursiga Fahad, haddana uu qiran kari waayey inuu muujiyo in kursigan uu muran wajahayo.

Kuraastaan 5-ta ah ayaa 21-kii Bishan doorashadooda lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, balse Kursiga HOP#086 ayaa guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer federaal Muuse Geelle uu sheegay in la hakiyay ku dhawaaqista natiijada kursigaas.

Waxaa soo baxaysa in dadaalka kooxda Farmaajo-Fahad ugu jirto meel-marinta kursigaas uu gadaal ka riixayo rabitaanka shaqsiga ah ee Guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashada, Maxamed Cawil.

Si kastaba, Guddiga doorashooyinka heer federal ayaa ku gacan sayray natiijada doorashadii kursiga HOP#086, oo uu kusoo baxay la-taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.