Xasan Sheekh oo laga fara-maroojiyay kuraasta beeshiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gebi ahaanba la dhaafiyay kuraastii beeshiisa, ayada oo aan laga tix-gelin doorashadooda iyo go’aamada laga gaarayo.

Afarta kursi ee beelaha uu kasoo jeedo madaxweynihii hore ayaa wax la tashi ah laga siin dhamaan kuraasta beelaha Waceysle ee Galmudug, halka Musharaxiinta kale ee kasoo jeeda deegaankaas laga tix-geliyay kuraastooda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Kursiga u dambeeyay ee beelaha uu kasoo jeedo Xasan Sheekh oo doorashadiisu qabsoomeyso 25-ka bishaan ayaa si gaar ah loogu xiray Cabdirisaaq Xusul oo uu wato Taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin.

Arrimahan ayaa banaanka u soo saaraya dagaalka tooska ah ee madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor uu la galay madaxweynihii hore, oo ay si weyn isku hayaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday.

Xasan Sheekh ayaa kamid ahaa xubno diiday inay la kulmaan Qoor-Qoor daba-yaaqadii sanadkii dhamaaday, xili ay taagneyd xiisad siyaasadeed culus oo u dhaxeysay Farmaajo iyo Rooble oo la dhinac ahaayeen mucaaridka.

Sidoo kale waxay arrintaan sii xoojinaysa dooda ah in madaxda dowlad goboleedyada ay saameyn xoogan ku leeyihiin doorashada Golaha Shacabka oo aheyd in loo madax-baneeyo Odayaasha dhaqanka.

Si kastaba, Qoor-Qoor ayaa kuraas dhowr ah si qaawan ugu boobay xulafada Farmaajo-Fahad, kuwaasi oo qaarkood ay ka dhalatay xiisado xoogan, hase yeeshe ugu dambeyntii loo meel-mariyay.