GALMUDUG oo shaacisay jadwalka doorashada 3 kursi – Yaa ku fadhiya?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa maanta soo saaray jadwalka doorashada 3 kursi oo kamid ahaa kuraastii hore loo shaaciyay ee Golaha Shacabka, kuwaasi oo deegaan doorashadooda tahay Galmudug.

Saddexda kursi ee la shaaciyay ayaa waxay kala yihiin; HOP#012, HOP#048 iyo HOP#137, waxayna doorashadoodu qabsoomeysa maalinta Jimcaha ee ku taariikheysan 25-ka Febraayo 2022.

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa sidoo kale shaaciyay liiska 16 xubnood oo Odayaasha Dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ah oo soo xuleysa Ergada dooraneysa saddexda kursi.

Guddiga ayaa maanta bilaabaya tababarista iyo diiwaan-gelinta guddiga xulista, diiwaan-gelinta ergada iyo tababaridooda, ayada oo maalinta berri ah ay bilaabaneyso qabashada araajida iyo diiwaan-gelinta musharaxiinta.

Hoos ka aqriso magacyada xildhibaanda ku fadhiya kuraasta la shaaciyay;

HOP#012: Waxaa hadda ku fadhiya Yuusuf Xeyla Jimcaale
HOP#048: Waxaa ku fadhiya Cabdullaahi Gaafow Maxamuud
HOP#137: kursigaana waxaa hadda ku fadhiyay Saadaq Cabdikariin Xaaji Ibraahim

Doorashada Golaha Shacabka ayaa kasii socota dalka, xili uu qorshuhu ahaa in lasoo gaba-gabeeyo maalinta Jimcaha ee 25-ka bishaan, hase yeeshe waxay u muuqata in markale dib u dhac ku imaanayo jadwalkaas.