Guddiga Xalinta khilaafaadka oo go’aan rasmi ah kasoo saaray kursiga Fahad Yaasiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa fasaxay shan kursi oo uu kamid yahay kursiga HOP#086, kaas oo ku guuleystay la-taliyaha amniga qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Kuraastaan 5-ta ah ayaa 21-kii Bishaan doorashadooda lagu qabtay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, balse Kursiga HOP#086 ayaa guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer federaal Muuse Geelle uu sheegay in la hakiyay ku dhawaaqista natiijada kursigaas.

Qoraal kasoo baxay Guddoomiyaha Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa lagu shaaciyay in guddoomiyaha ay xubnaha kale ee guddiga la wadaageen warbixin uu ku qancay oo ku saabsan lixda kursi ee lagu doortay Beledweyne uuna fasaxay.

Guddiga ayaa la sheegay inaysan jirin wax cabasho ah oo laga soo gudbiyey kuraastaas inta lagu guda jiray waqtiga ku xusan sharciga uu ku shaqeeyo guddiga, taasoo ka dhigan inaysan jirin qof xataa hadda dacwad soo gudbin kara.

Kursiga Fahad Yaasiin ayaa waxaa ku dhagan xafiiska Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo isticmaalaya qaar kamid ah xubnaha guddiga doorashada heer Federaal oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha.

Waxaa muuqata in dagaalka kursigaan looga guuleysta xafiiska Ra’isulwasaaraha maadaama guddiga xalinta khilaafaadka uu ka hor yimid qorshihii ay wateen oo ahaa in guddiga loo guddiga dacwad ka dhan ah kursiga Hop#086.

Halkaan hoose ka akhriso warqadda kasoo baxday guddiga xallinta khilaafaadka