Su’aalo ka taagan QARAXII lagu dilay Xaashi Cumar oo aysan sheegan Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Su’aalo badan ayaa ka dhashay qarax shalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo lagu dilay Xaashi Cumar Xasan oo ahaa Nin mudo dheer ku xirnaa Talyaaniga oo lagu waayey denbi loo heystay muddo 19 sano ah.

Qaraxan ayaa ahaa nooca lagu beegsado shaqsiyaadka, waxaana loogu xiray Gaari Noca Prado ah o uu watay, isagoo qaraxu ku qabsaday xilli uu mareyay xaafadda Macmacaanka, Waaxda Dhamme Yaasiin Cartan ee degmada Dharkeynley, isagoo u geeriyooday dhaawac halis ah oo qaraxa kasoo gaaray.

Ma jirto cid sheegatay qaraxa lagu dilay Marxuum Xaashi Cumar, inkastoo qaraxyada nooca lala beegsaday ay fuliyaan Al-Shabaab, taasoo keentay inay soo baxaan su’aalo badan oo ku sabasan cidda qarxiysay iyo sababta loo beegsaday?

Xaashi Cumar waxaa la xaqiijiyey inuu ahaa qof shacab ah oo kala bar cumrigiisa ku qaatay xabsi ku yaalla Talyaaniga, kadibna markii uu xoriyadiisa iyo lacag magdhow helay, dib u bilaabay nolol caadi ah, isagoo markan la joogay hooyadiisa iyo qoskiisa oo deganaa meel u dhow goobta lagu qarxiyey.

Axmed Cumar oo la dhashay marxuum Xaashi Cumar ayaa sheegay inuu ahaa qof shacab ah oo muddo dheer dhibanaa, waxa ku dhacayna ay qornaayeen, balse aanay ogeyn cidda la beegsatay.

“Muddo ka badan 19 sanno oo uu ku jiray Xabsi gardaro ah, waxa uu ka soo baxay xabsigii, Dalka ayuu ku soo laabtay. Waxa uu bilaabay howlo samafal sida ceel uu ka qoday Miyiga. Waxaa uu maanta u geeriyooday qarax loogu xiray gaarigiisa magaalada Mogadishu ilaa haddana ma jirto cid sheegatay. Ma aheeyn Nin ku xiran koox siyaasadeed ama Dowlad,” ayuu yiri Prof. Yaxye Caamir oo ka mid ahaa dadkii mudadda dheer u dooday inuu kasoo baxo Xabsiyada Talyaaniga.

Xaashi ayaa marii Talyaaniga ay sii daayeen waxaa la siiyey lacag magdhow ah oo gaareysa tiradeeda rasmiga ah la isku khilaafay. Wararka qaar ayaa ku sheegay 3 milyan oo dollar halka kuwa kalena ay ku sheegeen 5 milyan oo dollar, taasi oo hadda tuhun kale dhalineysa kadib dilkiisa.

Al-Shabaab ayaa shalay  sheegatay mas’uuliyadda qarax miino oo lagu dilay Maxamed Axmed Madoobe oo ahaa taliyaha rugta tadaamun ee ciidanka Daraawiishta ee Koonfur Galbeed ee deggan Afgooye, laakiin weli ma sheegin qaraxa lagu dilay Xaashi Cumar.

Xigasho: Goobjooge