Sucuudiga oo shaaciyey in dumarka ay Xajka imaan karaan maxram la’aan

Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa mar kale ku dhawaaqday go’aan muran badan dhaliyey oo ku saabsan haaweenka iyo Xajka iyo cumrada.

Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday in hadda wixii ka dambeeyo ay dumarka isku diiwaan gelin karaan xajka sanadlaha ah iyada oo uu san la soconin nin mas’uul ah (maxram),

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga ayaa sheegtay in haweenku aysan u baahneyn in ay yeeshaan qof mas’uul ah oo lab ah si ay isu diiwaan geliso haddii ay yihiin koox dumar ah.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa maalmo kadib markii lagu dhawaaqay in haweenka Sacuudiga ay hadda iskood u noolaan karaan iyaga oo aan u baahneyn ogolaanshaha aabahood ama mas’uulka lab ah.

Boqortooyada ayaa sanadkii 2019 haweenka u ogolaatay inay dibadda u dhoofi karaan dibadda iyaga oo aan ogolaansho ka helin mas’uul lab ah. Sidoo kale, boqortooyada ayaa hawenka u fasaxay inay gawaarida ka xeeyaan.

Go’aanada isdaba joogga ah ee kasoo baxay dowladda Sacuudiga ayaa kusoo aadayo kadib markii wax laga badalay sharicigii ay ku shaqeyn jirtay boqortooyada.

Wax badalka lagu sameeyey sharciyada boqortooyada ayaa waxay qeyb ka yihiin isbadalka uu Dhaxal sugaha sacuudiga Maxamed Bin Salman sheegay inuu ka dhaqan geli doono dalkaas illaa sanadka 2030.