Suldaan Saleebaan Cali oo aas qaran loogu sameeyay Boorama (Sawirro)

Boorama (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil ayaa maanta waxaa aas qaran loogu sameeyay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi iyo wafdi balaaran oo u hoggaaminayo ayaa magaalada Boorama kaga qayb-galay aaska marxuum Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil oo kamid ahaa madax-dhaqameedka ugu wakhtiga dheer oo maalintii shalay ku geeriyooday magaalada Boorama.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa marxuumka ku sifeeyey oday dhaqameed door laxaadleh ka soo qaatay dib u dhiskii Somaliland iyo nabadayntii beelaha Somaliland ku wada dhaqan, kuna xusnaa nabad-doonimo iyo waayo aragnimo dheeraada oo uu u lahaa xalinta khilaafaadka bulshada dhexdeeda.

Sidoo kale wuxuu marxuumka Alle uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo, madaxda dhaqanka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Suldaan Saleebaan ayaa ahaa oday dhaqan oo wehel u ahaa nabada, isagoo door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Somaliland.

Sidoo kale wuxuu kamid ahaa salaadiinta ugu facaweyn salaadiinta Somaliland ama guud ahaan umadda Soomaaliyeed, ayadoo geeridiisana ay si weyn uga tacsiyadeeyeen madaxda Soomaalida.