Suldaan yeelo aad siyaasi noqotidee !!

Dhaqanka soomaalida oo ah  mid da,wayn  soonajirijiray waqti dheer, ilaa iyo xiligii uu soojiray magaca soomaali, waxa uuna dhaqankaani soomaaalida uu soo maray marxalado kalawuwan  waxa uuna leeyahay astaamo farabadan kuwaas oo jiil jiil ama bulsho bulsho lookala dhaxlijiray,  waxaana dhaqankaan kamid ah kan looyaqaano “sadano, ama boqortooyo” taasoo ah wax yaabaha uguwaa wayn dhaqanka soomaalida hase ahaatee sadanadda ama boqortooyadu maahan mid soomaalida ugaar ah balse waxay soomalida u lahayd astaamo iyo shuruudo ugaar ah waxaana hogaamin jiray rag leh magacyo kuwaas oo looga yaqaano magacyo badan gayiga soomaalida, waxaana kamida: Suldaan, Ggaas, Boqor, Amiir, Islaan Malaaq, Imaan, Beeldaaje, Garaad iwm}. Waxayna lahaayeen maamuus sharafeed iyaga iyo ehelkooduba kaas oo loogu yeeri jiray reer ugaas ama rer suldaan,  taas oo ahayd maamuus sharafeed lagu tixgaliyo, waxaana adkaan jirtay in wax laga sheego iyaga iyo xitaa ehelkoodaba taasoo dadku aaminsanaayeen in uu suldaanku yahay uulul amri  hadii lacaayana ay musiibo kudhacayso cidii wax kasheegta.

Sidookale sadanadda ayaa waxay kukoob naan jirtay cidii markaa  haysa ama qoyska reer ugaas ama reer suldaan ilaa iyo inta uu kabbanaynayo shaqsiga markaa xilka haya, waa hadii uu markaa qofka haya xilka uu booska baneeyo balsé waxaa xusid mudan in boos bannayntu aysan ahayn sida xillalka hada aan naqaan ee madaxda siyaasada loo wareejiyo, ee waxay ahayd dhimasho oo kali ah inta qofkaasi nool yahayna isaga ayaa haynayay.

Hadaba sadanadda ayaa ahyd mid kutimaada dhaxaltooyo awoowe iyo aabe,  balse ma ahayn mid kutimaada dimuqraadiyad, waxaana doorashada ama xulashadu ahaan jirtay mid ku salaysan astaamo badan, waxaana kamid ahaa kuwa lagu xulanjiray: deeqsinimo,dulqaad,  karti, codkar, hadal yaqaanimo, cadaalad iyo kuwo kaloo badan.

waxaana lahaa arimaha soo xulashada  qoyska ama reerka sadanada haya, tusaale hadii  aabe uu dhalay saddex wiil balse isagu markaa yahay suldaanka beesha waxaa dhaxaltooyada  qaadi jiray qofka isagu kala dardaarmo maadaama isagu uu kala garanayo awlaadiisa, waxaana markaa la ogaan jiray nin ka uboqran sadanaddaas isimka, silamid ah taas waxaa jiray astaamo amaba sifooyin ka mamnuuc ah inuu yeesho qofka loo dooranyo inuu noqdo amaba loo magacaabayo sadanaddaas isimka, Sidookale ninka markaa boqran waxaa uu ahaan jiray nin muuqda maadaama uu boqorku kudhawyahay hawl gab waxaana uu suldaanka markaa siibanaynaya booska kaladardaarmi jiray waxayaabo badan wuxuuna marqaati ugadhigi jiray bulshada gaar ahaan qoyska sadanadda leh, wuxuuna kuwareejin jiray qalabka dhaxalreebka sadanadda sida:{ fardaha, shaalka, waranka ama usha duubka iwm}.

Muxuu suldaanku qabanjiray:

Suldaanku wuxuu qabanjiray shaqooyin aad u cul culus kuwaas oo ahaa dhamaantood kuwo dhaqanka iyo asluubta wanaagsan kutiirsan  waxaana kamid ahaa. shirgudoon  isagoo gudoonsha shirarka beesha  wuxuuna ahaan jiray qofka kali ah ee shirka iclaamiya, fura, soona xira kadibna wuxuu suldaanku soo bandhigi jiray mas uuliyadiisa isagoon ahayn kaligiis taliye.

Silamid ah wuxuu markastaa  katalinjiray samaanta wuxuuna kaqayb qaadanjiray xalinta colaadaha kadhexdhaca bulshada uu hogaamiyo iyo bulshoonyinka kaleba wuxuu ahaan jiray mid kafog in uu abuuro colaad ama uu noqdo mid bulshadiisa uhorseeda xumaan silamid ah suldaanku wuxuu ahyaan jiray qofka kali ee hadii colaad timaado oo beshu isuraacdo in ladagaalamo uu ahaan jiray qofka kali ee isagu diida taasina waxay ahayd in uu yahay masuul wixii dhacana uu aaqiro iyo aduunba qaadayo  wuxuuna markastaa wax ka eegi jiray dhanka wanagsan magac ahaan waxaa uu hada lamagac yahay gudoomiye baar lamaan balse  wuxuu ahaa hogaamiye daacadnimo iyo dulqaad karti mudnaanjiray taasina waxay ahayd sida uu bulshadiisa iyo kuwa kaleba ugu lahaado magac dheer.

Sidookale suldaanka waxaa kareebanaa in uuyeesho sharuudahaan{ danbiile dagaal ooge xumaantalis talo marooqsi kaligiis talis gacan adayg iyo kuwo kalo badan} waxaa kaloo suldaanka kareebanaa  is lawaynaan iyo in uuyahay kan kali ee dadka ugucaqliga badan ugu xooga badan ugu cilmigabadan   uguna masuuliyad badan balse wuxuu ahaa qof aaminsan in uuyahay shaqsi balse uu waxa kali ah ee uu dheeryahay bulshadaan ay tahay mas uuliyada aysaarteen wuxuuna markastaa ahaanjiray mid kudhexjira, latashada lasocda, lawadaaga bulshadiisa waxkasta wuxuuna ahaa geed qoyan oo laharsado  mana ahayn mid kukooba qoyskisa waxkastaa sida talada nacfiga iwm  waana tankeentay in ay muddooyimn badan soo jireen boqortooyin badan iyakoon yeelan mucaarad iyo cid kahortimaada.

Silamid waxaa adkaan jirtay in suldaanka ama isimka layska dilo sababtoo ah taasi maba ahayn wax kastoo dhaca in lahawaysto xitaa hadii aad layskulaayo wuxuu ahaa dadka looyaqaan bir magaydo  siiba kuwooda ugu nugul taasna waxaa marqaati ka ah sida ay salaadiin badani ugu kalagooshi jireen dhulal kaladuwan iyakoon lahayn ilaalo  wax cabsi ah na qabin meshay tagaana laguxurmaynjiray. Waayo qofkastaa mrka uu maqlo magaca sadano ayuuba qancijiray waxaana markiiba laabtiis gali jirtay dareen kaas oo katurjumaya maamuuska sharafeed ee uu uahayo sadanada ama aybe leedahay.

Suldaan siyaasi ah:

Ilaa iyo qarnigii ugudanbeeyay soomaalida waxaa soomaray marxalado kaladuwan sida dagaalo dowlado iyo burbur dhaawacay wax yaalo badan silamid ah waxaa dhaawac soo gaaray dhaqankii soomaaliyeed maadaama uusanba jirin cid dhawrta. Sanadadii  ugu danbeeyay soomaaliya waxaa jiray qorshayaal lagudoonayo in lagusoo celiyo maamuuskii soomali lahaanjirtay waxaana shirar badan soomaalida loogu qabtay meelo kaladuwan oo qaaradaha dunida ah ugu danbayntii markii xal lagugaari waayay shirarkii soomaalida ayaa waxaa loo qaybiyay wax looyaqaab 4.5 {foor boonti fayf} kaas oo ladoorbiday in uuyahay xalka rasmiga ah ee laguxalin karo dhibka soomaaliya. Balse  dad badan aaminsanyihiin in uusan xalkujirin .

Aqristoow bal iswaydii  yaa dhicis ah yaase dhamaystiran?

Waxaana garwadeeno looga dhigay rag huwan magacyo sadano iyo aqoonyahan iyo siyaasi kuwaas oo lahaa dano ugaar  ah matalinna cid gaar ah balse iyaku iskood  isu abaabulay waxaana  dhawr jeer lasoodhisay maamulo kuwaas oo lagusoo dhisay qaabka ah 4.5  kaas oo 90% qabaa ilka soomaaliyeed lagudulmiyay  waxaana ummadda loo qaybiyay afar qabiil iyo inta kaloo ah qabiil barkiis. Ugu danbayntii markii umadii  badankeedii iskawayday masrixii lagu dhisayay soomaali ayaa waxaa samaysmay sadanooyin badan sida  ugaasyo suldaamo qoboro garaadyo malaaqyo taas oo micnaheedu yahay in ay kamuuqdaan siyaasadda qasan ee kajirta wadanka maadaama lagutilmaamay in aysan ahayn bulsho dhamaystiran ee ay yihiin nus ama  bulsho dhicis ah. Qabiilkastaana wuxuu samaystay sadano ugaar ah taas oo umatasha waxa socda maadaama xaalku yahay mindi mindi kutaag. Waxayna sababtay in wixii labiday wanaaga ay noqdeen mid ummadda kucelisa colaad iyo minjo habaabin taas oo bulshada soo xasuusinaysa  qab qablayaashii soo maray soomaaliya xiligii burburkii kuwaas oo qabiilkastaa yeeshay. Waxaana jira sharuudo lagu xusho suldanka beeshaasi soo xulanayso waa suldaanka hada jira waxayn kalayihiin

1} in uu yahay nin siyaasi ah oo kasoo shaqeeyay siyaasada soomaaliya

2] nin uu yahay  nin lagabaqo laguna yaqaan  hadalo cabsi leh

3] in uu yahay nin aan hadalka kabiqin kiisa xun iyo kisa wanaagsanba go aamadiisuna cadyihiin

4} in uu yahay nin go aan adag kana laaban wuxuu mar gaaro

5} in uu yahay in kaligiis talis ah markastaana dhaleeceeya wixii isaga markaa qancin waaya

6} in uu yahay nin kukalsoon go aankiisa waxaa muhiim ah in uu yahay qurbo joog

Yuulatashadaa suldaan siyaasi:

Suldaanka hada jiraa wuxuu awood uleeyahay in uu sameeyo waxkastaa oo uu isleeyahay waxaa kujira maslaxada reerkiisa wuxuuna leeyahay go aamo aad ucul culus taas oo uu aaminsanyahay in ay tahay waxa kali ah ee uu rag isga dhicin karo. wuxuuna markastaa suldaanku latashadaa rag ay wada fikir yihiin sida siyaasiin qurbo joog ganacsato  kuwaas oo ah dadka kali ah ee ay wada leeyihiin hadafka maadaama ay dhamaantood salka kuhayaan wax lataabankaro  wuxuuna suldaanku kasoomuuqdaa shaashadaha TV yada idaacadaha  isaga oo muujinaya shacuuurtiisa  si loo aqoon sado waxaana uu markastaa oo uu ucuntami waayo xaalka markaa taaqgan ama uu kawaayo dantiisa iyo tan beeshiisa  uu baaq udiraa beesha caalamka wuxuuna sidaas kunoqdaa suldaan hirgalay. waxaana halkaa lagubartaa magiciisa  ugudanbayntiina wuxuu sidaas kunoqdaa nin kamuuqda siyaasadda  wuxuuna kugorgortamaa magaca beeshiisa isagoo ay riixayaan rag doonaya siyaasadda. kuwaas oo uu ugudan bayntii  kula gor gortama madaxda in ay ragaan umagacaabaan boosas  uqalma qoyskiisa wuxuuna aaminaa in uu yahay kan kali ah ee wuxuuu rabo hirgalinkara waxaana uu beesha usoo saaraa magacyo kaas oo loo eegi karo meelo badan.

Silamid ah taas suldaan siyaasi wuxuu yeeshay cadow badan maadaama uu yahay horjooge ee uusan ahayn hogamiye dhaqameed waxaana uu leeyahay ilaalo ugaar ah maadaama uu yahay horjooge aan lahayn hadaf ee uu yahay {kuqabso kuqadi mayside}  uuna  markastaa waxqabadkiisu yahay dhaleecayn, colaad hurin, siyaasad ooge, iyo kuwo kaloo badan. waxaana xaalku uu umuuqday in uu abuuray colaad sokeeye. hadaba suldaan siyaasi kumayimaado garasho iyo qoondayn midna balse waa siyaasi huwan magac kaas oo kusoobaxa qarash iyo  doorasho ay dabada kariixayaan rag ay wada hadaf yihiin. Kuwaas oo nin walbaahi qorshe leeyahay.  Taasina waa tan abuurtay in ay ilaa hada samaysmayaan sada nooyin badan taas oo aadba moodo in ay tahy ninkaan suldaan lahyn ayaa 0.5 kuharay.

Aqristoow maxaa kuubaxay ? 4.5 xal makeenay? Xalse makeentay sadano cusub.

w/q :   Siciid Yaasiin Cali -salaad