Suleymaan iyo Walaalkiis – Taxanaha Maxaabiistii 77 – Qaybta Saddexaad

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalin uu xafiiska ICRC ka xumaaday mashiinka lagu sawiro dokumentiga, ayaan xilli qiyaastii kowdii duhurnimo ay dhaaftay waxaan tegey xarun wax laga sawiro oo ku taallay hotel Shabeelle hoostiisa.

Liiska maaxbbiista iyo dhowr xaashiyood oo ay Maxaabbiista qaarkood u soo direen ehelkooda ayaan ka sawirtay.  Waxaan u diyaarinayay in aan qof u dhiibo gacan iga siiya howsha.

Koobbiyadii aan meesha ku sameeyay iyo liiska ayaan Dukaanlihii mid mid isula tirannay ka dibna lacagtii ayaan bixiyay.  Intii aan waraaqaha kala gureynay, aan sawireynay ka dibna aan tirineynay ayaa wiil dhallinyaro ah oo meesha taagnaa waxaa uu yara qooraansaday liisaska.  Waxaa ka muuqday rabitaan in uu ogaado waxa ay yihiin magacyadani.

Amar Ilaaheey,  wuxuu markii dambe si ixtiraam leh ii weydiiyay liisasku waxa ay yihiin.  Waan u fasiray oo u sheegay in ay yihiin maxaabbiis dagaalkii 77 ay Ethiopia ku qabatay, laakiin reerahoodu aanay ka warqabin oo ay u heystaan in ay dagaalkii ku dhinteen.

Suleymaan hadal kale ima dhihin laakiin aammuskiisu ma ahayn in uu jawaabta ku qancay ee waxaa weli ka muuqday in uu arrinta u hammuun qabo.  Sheeko ahaan miyuu u daneynayaa? War jacayl miyaya ka tahay? Mise waxaa dhici karta in dad uga maqan yahay dagaalkii? Sida ay tahay iimuu sheegin, laakiin igama dhaqaaqin, eegmadana kama uu joojin waraaqaha miiska saaran.

Markaas ayaan weydiiyay bal in uu jiro qof ay ehel yihiin oo la aamminsan yahay in uu ku dhintay dagaalkii 77.  Wuxuuna ii sheegay in walaalkii uu dagaalka ku dhintay.

Halkaas ayaan liiska ka baarnay ka dib markii uu ii sheegay magaca walaalkii laakiin waan ka weynay liiska aan markaa gacanta ku hayay.

Waxaan Suleymaan u sheegay in uu jiro liis kale oo aan xafiiska uga soo tegey.  Waxaan u tilmaamay halka uu yahay xafiiska ICRC iyo saacadaha shaqadu kuwa ay yihiin.  Nambarkeyga telefoonkana waan siiyay.

Wuxuu i weydiistay in uu hadda i raaci karo.  Waan ka aqbalay.  Xafiiska marka aan tagnay, ayaan fariisiyay fadhi dabacsan waxaanan soo hor dhigay liiska maxaabbiista oo dhammaystiran si uu uga baaro magaca walaalkiis.

Anigu waxaan fariistay kursigeyga oo waxaan ku mashquulay kombiyuutarka.

In muddo ah markii aan wax qoranayay, ayaan mar dambe madaxa kor u qaaday.  Waxaan ku soo baraarugay Suleymaan oo ay wejigiisii ilmo qoysay.

Inta aanan farxadda la wadaagin, waxaan marka hore hoosta ka xirtay xafiiska si aan shaqaale ama dad kale iigu soo gelin oo aanay Suleymaan su’aalo ku boobin.

Ka dibna waxaan soo saaray kaarar uu maxbuus waliba mid gooni ah leeyahay, si aan u hubiyo tafaasiisha aan ka heyno oo dhan in qofkani uu yahay Suleymaan walaalkiis.

Magaca aabbaha, kan hooyada, meesha uu ku dhashay iyo da’da iyo in aan qoyskiisu weli ka warqabin, intaba waxay is yeesheen Suleymaan walaalkiis.

Waxaan markiiba u keenay biyo iyo faanta qabow si uu shucuurtiisa u dejiyo. Waxaanan geeyay meel uu wejiga ku dhaqdo.

Sida dareenkiisu noqday darteed Suleymaan markaas ma qori karin waraaq jawaab ah.  Waxaan siiyay foomka uu ku soo qori lahaa jawaabta.

Waxaan goostay ninkaas dareen ahaan dhaawacan in aanan magaalada ku sii deyn. Waxaan ku qaaday gaarigeyga oo aan geeyay guri General militeri ah oo adeerkiis ahi uu degganaa oo ku yaallay ka soo horjeedka akademiga militeriga.

W/Q. Yuusuf Garaad

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com