Daawo: Sanbaloolshe oo mar kale bixiyay wareysi “Qaraxii Zoobe ayuu marmarsiyo u ahaa xilka leyga qaaday”

Muqdisho (Caasimada Online)-Agaasimihii hore ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Somalia, Cabdullaahi Maxamed Cali ‘’Sanbaloolshe’’, ayaa mar kale bixiyay wareysi lagu turxan bixinaayay su’aalo ka dhashay Wareysi hore oo uu bixiyay.

Sanbaloolshe, oo u waramaayay HCTV ayaa si qoto dheer uga hadlay ujeedka uu ka lahaa erayo dadban oo si hoose uu ugu dhaga hadlay Madaxda Villa Somalia kuwaa oo ku saabsanaa xil ka qaadis lagu sameeyay iyo warar sheegaya in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay dhaqaale ku bixisay guul daradii kasoo gaartay doorashadii ka dhacday magaalada Jowhar.

Sanbaloolshe, ayaa mar kale ku adkeystay in guul darada kasoo gaartay doorashada ka dhacday magaalada Jowhar ay sabab u tahay dowlada Somalia, gaar ahaan shaqsiyaad ku dhow dhow Madaxweynaha Qaranka, sida uu hadalka u dhigay.

Sanbaloolshe, ayaa wareysigiisa cusub uga hadlay arrimo kale oo dhowr ah oo ay ka mid tahay sababta uu ku waayay xilkiisa NISA, waxa uuna sheegay in xilkaasi uu ku waayay Qaraxii ka dhacay Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in xilka laga qaaday isagoo dultaagan aaska Sarkaal ka tirsanaa ciidamada NISA oo lagu dilay weerarkii ka dhacay Hoteel Naasahablood ee magaalada Muqdisho.

HOOS KA DAAWO WAREYSIGA CUSUB EE UU MAR KALE BIXIYAY SANBALOOLSHE