Mareykanka oo cunaqabateyn saaray nin Soomaali ah iyo laba shirkad oo uu leeyahay

Washington DC (Caasimada Online) – Sida ay baahisey wakaaladda wararka ee Reuters, dawladda Maraykanka ayaa maanta oo Jimce ah sheegtay inay cunaqabatayn ku soo rogtey saddex qof iyo saddex shirkadood oo ka soo kala jeeda waddamada Philippines, Turkey, iyo Somalia, kuwaas oo lagu eedeeyey inay taageeraan kooxda argagaxisada ah ee Dawladda Islaamiga ah (IS).

Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka  ayaa bayaan ay baahisay ku xustay inay cunaqabataysay mudane Abdulpatta Escalon Abubakar, waxana lagu eedeeyey in uu maaliyad ahaan u taageeray Dawladda Islaamiga ah iyo shabakaddeeda waddanka Philippines.

Waxa kale oo ay cunaqabatayn ku soo rogtey mudane Yunus Emre Sakarya iyo shirkaddiisa Turkiga ee Profesyoneller Elektronik iyada oo lagu eedeeyey inay qalab diyaarad ciidan ah ka gadday Dawladda Islaamiga ah.

Ugu danbayntii, waxa bayaanka lagu xusay in sidoo kale la cunaqabateeyey mudane Maxamed Mire Cali Yuusuf iyo labadiisa shirkadood ee Liibaan Trading & Al Mutafaq commercial Company, oo lagu eedeeyey inay taageerto hawlaha Dawladda Islaamiga ah ee Soomaaliya.