Sudan oo awoodeeda Militery hoos geyneysa Dowlada Ruushka & al-Bashir oo ku dhawaaqay sababta (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online)-Warbixin kooban oo kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Sudan Cumar al-Bashir ayaa waxaa lagu sheegay in dowlada Sudan ay garabsan doonto dowlada Ruushka oo ku firfircoon dhanka Militeriga.

Qoraalka oo uu ku saxiixnaa Madaxweynaha dalkaasi Cumar al-Bashir ayaa waxaa lagu sheegay in dowlada Sudan aysan ka maarmi doonin in la xoojiyo awooda ciidanka Militeriga.

Waxaa lagu sheegay in sidaa aawgeed ay bilaabi doonaan barnaamij uu la yeelanayo Ruushka oo looga golleeyahay sidii loo xoojin lahaa awoodda milatari ee Sudan.

Madaxtooyadu waxa ay qorshahaasi ku sheegtay in lagu  horumarinaayo ciidamada Sudan si ay uga hortagaan wax kasta oo khatar ku ah jiritaanka iyo amniga dalka.

Nuqul kamid ah qoraalka kasoo baxay Xafiiska al-Bashir ayaa ahaa “Waxaan diyaar u nahay inaan wajahno khatar kasta oo ka dhanka ah dalkayaga,”

Iskaashiga milatari ee ka dhaxeeya Khartoum iyo Moscow, ayaa la sheegay inuu sii xoogeysan doono wixii ka danbeeya 2018 oo uu al-Bashir ku sheegay inay tahay mid lagu kobcinaayo awooda ciidamada.

Hadalka ayaa yimid ka dib markii Madaxweynaha Sudan uu booqasho ku tagay Moscow bishii November, kaas oo uu ka codsaday dhigiisa Ruushka Vladimir Putin in uu ka “ilaaliyo”dalkiisa Maraykanka sida lagu sheegay warbaahinta dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com