Akhriso: C/wali Gaas oo shir degdega isugu yeeray Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada (Ujeedka)

Garoowe (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa warqado casuumaada u kala diray Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada kale ee ka jira dalka.

Gaas, ayaa casuumaada ku bixiyay magaca Golaha Iskaashiga maamul goboleedyada, waxa uuna casuumaadiisa ku saleeyay kasoo qeybgalka shir ka dhici doona magaalada Garowe 20-ka bisha Maarso ee soo socoto.

Hogaamiyuhu waxa uu sheegay in shirkaasi looga arrinsan doono arrimo ku saabsan horumarka maamul  goboleedyadda ka jira dalka, waxa uuna ku baaqay in laga jawaab celiyo casuumaadiisa.

HOOS KA AKHRISO WARQADA CASUUMAADA